Shirkadda Hass Petroleum Oo Daah-furtay Adeeg cusub Oo ay Dalka Keentay.
Posted by abdi on December 13 2014 23:38:18

Shirkadda Hass Petroleum ayaa Maanta Daahfurtay Adeeg Cusub oo ay Dalka Keentay kaasi oo ah Saliida Baabuurta iyo Xabagta Mishiinada baabuurta lagu isticmaalo oo lagu Magacaabo [Lubricants].


Extended News

Shirkadda Hass Petroleum ayaa Maanta Daahfurtay Adeeg Cusub oo ay Dalka Keentay kaasi oo ah Saliida Baabuurta iyo Xabagta Mishiinada baabuurta lagu isticmaalo oo lagu Magacaabo [Lubricants].

 

 

 

 

Shirkada Hass Petroleum ayaa ka mid ah Shirkada dalka keena Shiidalka iyada oo Adeegan cusub ku soo kordhisay, Munaasibadii lagu shaacinayey Alaabtan cusub ee ay keentay ayaa waxa ka Qaybgalay Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasin, Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud Cali Abdi Saayiq, Wasiir Ku-xigeenka Macdanta iyo Tamarta,  Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, Gudoomiyaha Xafiiska Somaliland ee Shirkadda Hass Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Madaxa HR-ka Ms Idil Ibrahin Aadan [Doolaal] Mr James oo ka socday xafiiska Hass ee dalka Kenya iyo madaxda shirkadaha kaalmaha shidaalka iyo dadweyne kale.Gudoomiyaha Shirkadda Hass xafiiskeeda Somaliland Cabdirisaaq  Ibraahin  Aadan oo munaasibadaasi ka hadlay  ayaa ka warbixiyey Ujeedada Munaasibadan iyo adeegyada Cusub ee ay soo bandhigayaan waxanu sheegay in adeegan cusub uu yahay Mid ay dalka ku keenen Saliida baabuurta iyo Xaydhii Miishanada Baabuurta. “waxaa maanta farxad noo ah inaanu idinku soo Casuuno daah-furka wax soosaarka Shirkadda Hass Petroleum, dalka Imika waxaanu keenan Shiidalka laakiin waxanu ku soo kordhinay in aanu keenno Saliidii baabuurta iyo Waliba Xabagtii Mishiinada baabuurta oo tayadeedu aad u wanaagsan tahay”Cabdirisaaq Ibraahin wax akale oo uu sheegay  in Shirkadda Hass wax soo-saarkeeda laga tijaabiyey waddamo badan taasina ay guul weyn u tahay Shirkadda Hass Petroleum iyo wax soo saarkeeda, waxaanu intaa ku daray Shirkadda Hass inay si ficiin u bixiso canshuurta Dawladda isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “anagu ka shirkad ahaan marka laga yimaado agabka tayada leh ee aanu dalka keenay ee manta la daahfurayo waxaanu si fiican u bixinaa cashuurta Dalka”Ayuu yidhi.wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Geeljire oo isaguna halakasi ka hadlay ayaa  sheegay inay dalka iyo dadkaba farxad u tahay in ay Hass keentay agabkii gawaadhida loo isticmaalayey waxaanu xusay in  ay tahay shirkad caalamiya isla Markaan ay tahay shirkad dalka laga leeyahay isla markaana ay si hufan oo lexejeclo ku jirto dalka uga shaqaynaysa maadaama ay tahay shirkad waddaniya  waxaanu shacabka ku booriyey inay Iibsadaan agabkeeda tayada leh “waxaa waajib inagu ah inaynu shirkadaha kale uga eexano oo aynu iyada waxsoo saarkeeda isticmaalo” ayuuy idhi Mr Geeljire.waxa uu sheegay inay shirkado badan oo Ganacsiga shidaalka keenaa dalka joogaan basle ay Hass tahay tan ugu mudan dhamaantood marka laga eego khibradeeda qotada dheer iyo agabkeeda tayada leh ee loo adeegsado mishiinada Gawaadhida kala duwan.Xasan Miisaan oo ka tirsan saraakiisha Hass Petroleum ayaa isna ka waramay wax soo saarka Shirkada Haas Petroleum, isaga oo sheegay in ay dadaal ugu jiraan siddii Shirkadu dalka u keenilahayd adeegyo kala duwan oo ku saabsan Birta Baabuurta.Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Mr James Wakiro oo ah injineer 13  sano ka soo shaqaynayey Shirkadda Hass xafiiskeeda dalka dalka Kenya waxaanu sheegay in ay muddo dheer ka soo shaqaynaysay Hass dalalka Bariga Africa sida Kenya,Tanzaniya, Uganda iyo wadamo kale waxanu yidhi.  “Hass waxay ka shaqaysaa Arrimaha shidaalka iyo saliida gawaadhida lagu isticmaalo waana saliid tayadeeda la hubiyey oo heer-caalami ah” ayuu yidhi Mr James.Dhanka kalana Mr James waxa uu sheegay in ay xafladani tahay mid lagu daah-furayo adeegga xafiiska Shirkadda Hass ee lagu soo kordhiyey Shidaalkii ay horey u keeni jirtay taasoo qayb-ka noqonaysa ganacsiga Hass ee ka jira dalka .“Hass agabkan ay hadda keentay waa kii ugu dambeeyey ee ay soo saartay” ayuu yidhi Mr James waxaanu halkaa ku soo bandhigay Film kooban oo ka sheekaynayey Shirkadda Hass Petroleum iyo wax soo saarkeeda kala duwan kaasoo laga daawaday macluumaad farabadan oo la xidhiidha tayada shidaalka iyo saliidaha casriga ah ee kala duwan ee ay leedahay Hass.Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyah Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri waxaanu soo dhaweeyey shirkada Haas ee oo uus ehegay in ay keentay adeeg loo wadda bahnaa waxanu sheegay in laga reysan doono Ciladihii Baabuurta ku iman jirtay ee dhinaca mishiinka oo uu tilmaamay in mararka qaarkood lagu shubijiray Saliid Xun.Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiir ku-xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq waxaanu sheegay inay saliidan ay Hass keentay naqafo u tahay Baabuurta waxaanu sheegay inay wax-waliba u bahan yihiin daryeel iyo nafaqo la siiyo si ay u waaraan sidaa darteed saliida Hass ay tahay tii dhabta ahayd ee nafaqeynaysay Baabuurta, isaga oo arirmahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maalin waliba hadalkeeda ayey leedahaye maanta waa maalintii nafaqaynta Gaadiidka”
Wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasin oo xadhiga ka jaray adeegasi cusub ee shirkadu keentay waxa uu sheegay in  shikad Hass tahay mid  dalka iyo dadkuba u baahnaayeen shidaalka iyo agabkan kale ee ay keentayna yahay mid tayadiisa la mahadiyey, dhanka kalana waxa uu wasiirku sheegay inay ka xukuumad ahaan Hass uga mahad-celinayaan inay jabisay qiimihii shidaalka ay dalka keenaysay sida uu sheegay isaga oo soo qaadanayey hadalkii Gudoomiyaha Shirkadda Hass Patroleum waxa uu yidhi “ka xukuumad ahaan waanu soo dhaweynaynaa qiime dhimista ay Hass ku samaysay shidaalkii ay inoo keenaysay” Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay qiima-dhimista Hass ee shidaalka inay ku camal falaan Kaalamaha Shiidalku oo ay dadka shacabka ah u jabiyaan shidaalka maadaama ay Hass iyagiiba u jabisay isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Shirkadaha  kaalmaha shiidalka waxaa looga baahan yahay inay shidaalka shacabka u jabiyaan maadaama iyagiiba loo jabiyey haday sidaa yeeli-waayaana waanu kula xisaabtamidoonaa”
Waxa kale oo uu yidhi. “Anigu waxaan ahay Dhakhtar yaqaana cuduradadka markaa dadka reermiyiga ahi waxay yidhaadaan kii qorta casaa ii soo iibi  “Tetracacilin Cabpsol] markaa waxaan filayaa inay dadku odhan doonaa tii ay Hass ku qorayd [Saliida gawaadhida] ii soo iibi.”Ayuu yidhi wasiirku.

Hargeysa Online