Gabdho Soomaali ah oo lagu kufsaday Tana River-Kenya.
Posted by abdi on December 13 2014 23:48:28

Isbitaalka weyn ee ku yaallo magaalada Gaarisa, ayaa waxaa lagu daaweynayaa labo gabdhood oo walaalo ah kuwaasoo koox Burcad ah .


Extended News

Isbitaalka weyn ee ku yaallo magaalada Gaarisa, ayaa waxaa lagu daaweynayaa labo gabdhood oo walaalo ah kuwaasoo koox Burcad ah ay ku kufsadeen agagaarka deegaanka Bura, kana tirsan degmada Tana River oo dariska la ah gobalka Soomaalidu ay dagto ee Waqooyi bari Kenya.Labada Gabdhood ee la kufsaday oo da’doodu ay kala tahay 16 iyo 23 sano jir, ayaa raadinayay Geel ka lumay markii koox burcd ah oo tiradooda lagu sheegay 15 nin oo ku hubeysnaa Baangado ay xoog ku kufsadeen.Aabihii dhalay Gabadhahaas oo ku sugnaa goobta, ayaa sidoo kale kooxdii falka Kufsiga ah geeystay ay ku xireen Geed, iyagoona ku qasbay inuu daawado sida ay u fara xumeynayeen gabdhihiisa.Gabdhaha oo hada lagu daaweynaayo Isbitaalka Magaalada Gaarisa, ayaa waxeyna ka soo jeedaan gobalka Wajeer waxeyna ahaayeen gabdho reer miyi ah oo ku nool gobalka Tana River oo falkaas uu ka dhacay.Mid ka mid ah Gabadhahaas oo la hadashay warbaahinta, ayaa sheegay in aabahood uu markii hore damcay inuu ka celiyo kooxdii kufsiga u geysatay, isagoona u sheegay in aynan kufsan karin gabdhihiisa inta uu nool yahay balse ay si xoog ah Geed ugu xireen kadibna ay ku hor kufsadeen labadisii gabdhood.“Aabahey marka hore wuxuu damcay inuu naga celiyo raggaas laakin waxey ku xireen geed kadibna wuxuu ka codsaday in marka hore ay isaga dilaan waxeyna ku qasbeen inuu fiirsado sida ay noo galeen, ayagoona jir dilay” ayey tiri mid kamid ah gabdhahaas oo magaceeda aan qarinay.Cabdullaahi Siraad waa Guddoomiye ku xigeenka Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya “Supreme Council of Kenya Muslims” (SUBKEM) una qaabilsan Gobalka Waqooyi bari Kenya. Waxaan kula hadlay qadka Taleefoonka isagoo ku sugan magaalada Gaarisa, wuxuuna u sheegay Hargeysa Online in arrintaas ay kala hadleen xeer ilaaliyaha guud ee magaalada Gaarisa isla markaasna ay dowlada Kenya ku cadaadinayaan iney sharciga hor keento dadkii falkaas geystay.Sidoo kale, C/llaahi Siraad ayaa sheegay in gabdhahan loo geystay dhibaato badan ilaa iyo hadana aynan waxba qabanin ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanka uu falkaas ka dhacay, wuxuu intaas ku daray in ay heleen warar ku saabsan in dadka ay ka soo jeedaan raggii falkaas geystay ay damacsan yihiin in si dhaqan ah lagu xaliyo arrinta oo ay xaal bixiyaan, laakin ayagu ay ku qanci doonaan oo kaliya in arrintaas Maxkad la keeno oo sharciga la marsiiyo raggii dambigaas galay.Dhanka kale mudanaha Golaha deegaanka ka soo galo bartamaha Magaalada Gaarisa Cabdifitaax Qaasim, ayaa ku baaqay in si dhaqso ah tilaabo looga qaado dadkii dhibkaas geystay, isagoona sheegay in ciidamada Bilayska ee ku sugan deegaankaas ay aheyd iney mar hore gacanta ku dhigaan dambilayaashaas.Kufsiga Gabdhahaas walaalaha ah, ayaa waxaa geystay rag ka soo jeedo Qabiil la dhaho Orma oo dago wadankaan Kenya gaar ahaan Gobalka Tana River, waxaana aad oga hadlay arrintaas Ururada u doodo xaquuqda Haweenka iyo kuwa Caruurta. Kuwaasoo ugu baaqay dowlada Kenya iney sharciga hor keento dadkii kufsigaas geystay.

Hargeysa Online.Net