Xukuumada Oo Cudud Ciidan Dul Dhigtay Suldaan Wabar Iyo Asxaabta Mucaaradka.
Posted by abdi on December 13 2014 23:56:21

Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Cabdirashiid Xasan Mataan Ayaa si adag uga Hadlay Ciidamada Ay Xukuumadu Ku Daad-Guraynayso Suldaanka ka soo jeeda Gobolka Awdal.


Extended News

Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Cabdirashiid Xasan Mataan Ayaa si adag uga Hadlay Ciidamada Ay Xukuumadu Ku Daad-Guraynayso Suldaanka ka soo jeeda Gobolka Awdal Oo Duurka Galay.Waxa ay Shegeen Wasiirada ay Xukuumada U Dirtay Sidii ay Suldaanka ula Soo Hadli Lahayeen In ay Goobta Ku Noqdeen Ajihanib.Cabdirashiid Xasan Mataan Ayaa cadeeyey in Ay Xukuumadu Ka danbayso Waxaas dhibaato ka dhacaya Dalka somaliland.Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ugu Horayn Kulan kaasi ka hadlay ayaa Fariin U diray Xukuumada uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isaga oo usoo jeediyay in wada hadal Lagu dhamaayo Waxa uu tabayo Suldaanku waxaana uu yidhi.Hortu Marka La-leeyahay Somaliland Ayaa laga goostay  Qof Somaliland Kama Goosto Am Suldaan Ha Noqdo Am Cid Kale Ha Noqotee, In La buun-buuniyo Maah Hadalka Suldaanku Yidhi Waxaan u Malaynayaa waxa sidaas u eegi In Meelo Badan ka Dhaceen,Aniga waxa ay ila tahay Somaliland waxa ay Ku Soo Caano Maashay Wada hadal Wadatashi,Markaas waxaan leeyahay Yaan lakala Tagin ee waa in La isku Dul-qaato.Boobe Yuusuf Ducaale oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Marka Hore waxa Ay ila tahay in loo daayo dadka Awdal Jooga In Ay Arinta Hawsheeda Galaan,Hadii Ay Dhamayn  Kari wayaan arinka waa in ay Somaliland oo dhan Kasoo qayb gasho,Uma Arko In Wasiiro loo Diro oo waliba Halkaas ay Tagaan iyaga oo Ajihanib ku noqon Kara,Somaliduna waxay Tidhaa Lafba Lafta ku xigta Ayaa lagu Kabaa,In Ciimado Suldaanka Loo Dirana Waxaan u arkaa in Bulshadii Halkaas Daganayd La Kicinayo.Waxa uu sheegay Boobe in Xukuumadan Maanta talada Dalka haysa ee kulmiye Baabiisay Dalkii Midaysanaa ee uu Uga Tagay Daahir Riyaale Kaahin.“Waad Arkaysaan Xaalada ka taagan Bari,Hadii Maantana Lagu Daro Gobolada Galbeed Waxaan Odhan Lahaa Wasiiradu ha iska soo noqdaan Arinkana Cagta Haloo dhigo,Reer awdalna Halaysku Daayo,waxaanan odhan Karaa Reer Awdal Waxaas iyo wax ka Badan-ba way Qaban Karaan.Dhinaca kale Cabdirashiid Xasan Mataan musharax ku xigeeka Xisbiga mucaaradka ah ucid Ayaa sheegay in Hadii La doonayo in Somaliland ku sii Jirana reer Awdal iyo In ay ka baxaan in lagag tashan Doono Gogol Ay Somaliland u dhan tahay.“Anigu Qof Ahaan waxaan Qabaa in ay somaliland Jirto,Shacabka Reer Awdalna intooda badani waxa ay qaban in ay somaliland Jirto,Somaliland wada-jirka ayay wax ku tahay,Gobolka Awdalna Shalay Ayuu hogaaminayay Dalka somaliland,Tabashu way jirtaa Oo Markii uu xilka hayay Daahir riyaal Tabashadu way jirtay,Lakiin waxaan meesha qaban Xukuumada iyadu Doonaysa In ay dalka khal-khal Ka abuurto,Bari ayaanu og-nahay Xaalada uu ku sugan Yahay,Hadii Hargaysa laba qof Soo baxaan oo yidhahaan Dareen ayaanu muujinaynaa waad arkaysaa sida loo galayo.Waxa uu sheegay Cabdirashiid Suldaanku inuu yahay Suldaanka beesha uu kasoo jeedo.”Janan Ciidan Maaha Suldaanku Waxa uu ku Baaqayaan waa Nabad,Waxa uu sheegayaa in ay wax inaga khaldan yihiin.si kasta Ha Ahaatee Suldaan Wabar oo shalay hadlay ayaa sheegay in halkii Ergo cabashadiisa kala xaajooda loo diri lahaa Gobolka Awdal lagu daad gureeyay Ciidamo tiro badan. Bulshada Reer Awdal ayaa hore u muujisay siday uga soo horjeedaan Ciidamada iyo Cududa ay Xukumaddu u adeegsanayso Suldaanka Duurka galay.

 

Hargeysa Online