Jawaab ku socota Agaasimihii hore ee W/Dhallinyaradda ee fashilmay, kuna caan noqday musuq iyo aqoon-darro!
Posted by ifraax on December 14 2014 11:16:14

Agaasimihii hore ee wasaaradda dhallinyaradda ayaa soo saaray qoraal aqoon la'aani hadhaysay iskuna dhex daadsan. 


Extended News

Agaasimihii hore ee wasaaradda dhallinyaradda ayaa soo saaray qoraal
aqoon la'aani hadhaysay iskuna dhex daadsan. Agaasimuhu ka hor intii
aannu xilka agaasimenimo qaban waxa uu ahaan jirey macalin dugsiyada
hoose/dhexe ah, kaasoo caan ku ahaa habsan, googoys shaqo iyo balwado
ragaadiyey kuna keenay dhibaatooyin caafimaad kuwaasoo oo uu ilaa
manta la tacaalo una maro qalliimo iyo dhakhtarin dibada ah oo ay u
qaadhaantay kana bixisey xukuumadan imika tallada haysta oo iyadu
khaladkay samaysay ah inay sallaanka siyaasadeed saartey dad badan oon
u qalmin.


Agaasime Mustafe Qodax markii uu u dhaartey xilka agaasimaha
wasaaradda dhallinyaradda waxa uu ku bilaabay shaqadiisa khilaaf iyo
is-faham daro dhexmarta isaga iyo agaasimeyaasha waaxaha wasaaradda,
kaasoo markii dambena ku dambeeyey khilaaf maryo-dhiig leh lagu kala
furtay oo dhexmaray isaga iyo wasiirkiisii xiligaas wasaaradda
hoggaamin jirey ee Cabdi Siciid Faahiye.


Agaasimuhu waxa uu khilaaf dhalinta ku darsaday lunsasho hanti qaran
taasoo uu ku bilaabay inuu lunsado qadar lacageed oo dhan 30,000 oo
hay'adda IOM ku maalgalisey tartar ciyaareed ay qabanaysay wasaaraddu
wakhtigaas.


Agaasimuhu waxa uu isla markiiba dhistey guri oo dejiyey reerkiisa
kaasoo uu ka bineeyey goobtii uu hore u dagi jirey oo uu uga dhisnaa
guri yar oo ku meel-gaadh ah.


Haddaba Waxa la yaab leh in uu haatan qabto xilka xoghayaha arrimaha
gudaha ee xisbiga waddani isla markaana uu qoro maqaalo iyo bayaano uu
ku sheegayo inuu kaga hortagayo musuqmaasuq, iyada oo uu ku sifoobay
musuq iyo shaqo xumo ay weheliso khibrad la'aan iyo karti darro isla
markaana uu xilkiisii u horeeyey kaga tagay xatooyo lacag iyo hanti
umadeed oo lagu helay laguna caddeeyey, taasoo keentey in lagaga
joojiyo sexeexii iyo awoodihii agaasimenimo ka hor intii aan cawda loo
jarin een si rasmi ah loo eryin. Xisbiga Waddani waxaan usoo jeedin
lahaa inuu la yimaado tusaale wanaagsan kana dheeraado in dadka
shaadhkoodu hore u wasakhoobay isku sawiraan xilalna ka qabtaan.


Allaa mahad leh


Cabdi yuusuf geeddi