Gudidii Shirkii Hodaale ee Sacad Muuse oo Beeniyey in ay doorteen Musharax Reerka ee Xisbiga kulmiye.
Posted by abdi on December 17 2014 18:19:45

Gudidii Shirkii Hodaale ee Beesha Sacad Muuse ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar Warbaahinta.


Extended News

Gudidii Shirkii Hodaale ee Beesha Sacad Muuse ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar Warbaahinta la soo galiyey oo sheegay in Gudidu ay isku raaceen Shalay in Musharax Beeshu yahay Muuse Biixi, waxanay Warkaasi ku tilmaameen in uu yahay mid been cad oo aanay waxba ka jirin.



Gudidu waxay sheegen in hawshii loo xilsaaray ahayd Horumarinta beesha Balse aanay aan loo diran Siyaasada in ay faro galiyaan, iyaga oo sheegay in Saddexda musharax ee beesha Sacad Muuse ay u siman yihiin kuwaasi oo kala ah Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed biixi, iyo Muuse Biixi.017

Hargeysa Online