Labbada Xisbi Mucaarid iyo Madasha Wadatashiga oo Si wadda Jir ah uga hadlay Xaalada Dalku Marayo, iyo Arrinta Awdal.
Posted by abdi on December 17 2014 18:24:12

Labbada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid iyo Madasha Wadatisha iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah uga hadlay Xaalada Dalku uu Marayo.


Extended News

Labbada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid iyo Madasha Wadatisha iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah uga hadlay Xaalada Dalku uu Marayo iyo Suldaanka Falaagobay ee Buraha Awdal gallay, waxanay Xukumada ugu baaqeen in nabbadgelyo ah ku dhameyso, isla markaana Arrinta Suldanka uga danbeyso Odeyaasha Gobolka Awdal oo shalay ku baaqay in ay arrintaasi si nabbadgelyo ah ku soo Afjarayaan.



Sidaasi waxay ku sheegen Shir jaraa’id oo ay ku Qabteen Magaalada Hargeysa.

Madaxdii halkaasi ka hadashay waxa ka mid ah Musharax Ku-xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xassan Mataan, Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Maxamed Xaashi oo ku hadlayey Afka Madasha Waddatashiga.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu yidhi. “Waxanu Si wadda jir ah uga hadlaynaa arrimihii ugu danbeyey ee ka Tagnaa Gobolka Awdal gaar ahaana Magaalada Borama, runtii waxanu Xukumada Somaliland ugu baaqaynaa in Arrimaha Awdal Xal nabbadgelyo ah lagu dhameeyo, oo ay dadkana ka dayso cabudhinta iyo dhibta ay ku hayso, isla markaan Tabashada Reer Boramana xal degdeg ah ka gaadho, Suldaan Wabar waxana leeyahay Dalkaga ku soo noqo, Xukumaduna wixii uu tabanyo ha ka qanciso xalna hawshaasi halkaga gaadho, Arrinta Cabashada reer Borama in ay Cawdaan xaqbay u leeyihiin, dawladuna marka cabasho loo soo gudbiyo in ay wax ka qabato xaqbaa loogu leeyahay, .”Ayuu yidhi

3 1Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade waxa kale oo uu sheegay in ay soo dhaweynayaa hadalkii ka soo baxay Salaadiinta Gobolka awdal ee ahaa in ay nabbadgelyo ku dhamaynaa hawsha ka jirta Borama.


Musharax Ku-xigeenka Ucid Cabdirashiid Xassan Mataan oo ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxa uu yidhi. “Waxanu Taageersanahay Baaqii ka soo baxay Golaha dhaqanka ee Awdal kaasi oo ahaa in ay nabbad ku xalindoonan Xaalada Gobolka Awdal runtii waa arrin wanaagsan oo aanu ku faraxsan nahay in hawshaasi la wareegaan Odeyaasha Gobolku, waxanu leenahay Xukumadu hawdayso Salaadiintaasi, waxa Xaqiiq ah in Aan reer Awdal Somaliland looga baqayn in ay ka timaado wax qaranimada Somaliland ka soo hor jeeda, Awdal waa meeshii Somaliland laga dhisay ee dawladnimadeenu ku soo aasasantay, odayaasha Awdal joogan waa Odeyaal Somaliland taariikh ku leh, Suldaan Wabar waxaan ugu baaqay in uu qaato wada tashiga ay ula tageen salaadiintu isla markaan hawshaasi halkaasi lagu soo afjaro. Xukumada Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay arrintaasi u dayso Salaadiinta kana ilaaliso wixii doc wariimi kara, Waxa kale oo aan Cambaareynayaa Falalka Wasiiradu ka waddaan Awdal taasi oo dhib keeni karta iyagaoo dadkii Xidh-xidhaya, xadhiguna waxa uu abuura uun Xanaf iyo Xuman basle wanaag ma dhalo, Ciidankuna xeryahooda ha joogan, Suldaankuna wax Duulan ah oo uu soo wadda ma jirto, waxa kale oo aan soo jeedinayaa in Sharciga la dhawro oo aan la xidh-xidhin Xildhibaanada Xasaanada Huwan, iyaga oo aan wax danbi ah gacmaha la gallin.”Ayuu yidhi Musharax Ku-xigeenka Ucid Cabdirashiid Xassan Mataan.


Musharax Ku-xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xassan Mataan waxa kale oo Dadweynaha reer Awdal ugu baaqay in madama oo Xukumada Tallada haysaa cabashadoodii waxba ka qabban wayday ay sugaan Isbedelka dalka ka dhacaya oo Xukumada kale ee dalka qabsataa waxa ka qabban doonto Cabshadooda.

Maxamed Xaashi oo ku hadlayey Afka Madasha wadda tashiga iyo toosinta Qaranka oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in dadka reer Awdal yihiin Dad Somaliland Nimadu ku dheertay wax cabsi ah oo looga qabbo in ay Qaranimada wax yeelan aanayn jirin.“Borama Taariikh bay ku leedahay Somaliland, marka laga soo bilaabo Barigii hawd iyo Reseef eeriya la bixiyey gurmadkii ugu horeyey iyagaa Sameyey, heshiiskii Degmada Sheekh qayb libaax ayey ka qaateen, Maalintii dhawayd ee qaska layna dhex dhigay sidday Somaliland Xildhibaanada Awdal u badbaadiyeen waad ogeydeen markaa markaynu leenahay Awdal waxaynu isku qaadyanaa wixi oo dhan waayo hawl ku kooban qof iyo Labba in Gobolkii oo dhan nidhahaano dhibaa ka jirta ma ah, waxa kale oo aanu soo dhawaynaynaa baaqii ka soo baxay odayasha Reer awdal ee ay yidhaahden wixii dhib jirta anaga xalinayna, ciimada waxanu soo jeedinayana in xeryahooda lagu celiyo.”Ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Hargeysa Online