Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal Toos ahi uga bilaabmay Jabuuti.
Posted by ifraax on December 20 2014 22:34:47

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku kulmay magaaladda Jabuuti.


Extended News

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku kulmay magaaladda Jabuuti, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 



baLabada wefti ee ay kala hogaaminayey labada Madaxweyne oo ay wehelinayeen Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa kulan qado ah wada yeeshay, kadib na waxay bilaabeen kulamo gaar ah oo aanay saxaafaddu goob joog ka ahayn.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka baxay madasha shirka kadib markii uu labada Madaxweyne si gaar gaar ah isugu balamay markii danbena kulan fool ka Fool ah u furay.

Waxa baaqday war saxaafadeed wadajir ah oo ay ay doonayeen inay warbaahinta siiyaan ka hor intaanay kulamadooda bilaabin, hase yeeshee wax kastaa waxay u dhaceen barri.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.