Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldagay munaasabada 71-Guurada Maalinta Booliska.
Posted by ifraax on December 20 2014 23:13:40

Munaasabad lagu qabtay xarunta ciidanka Booliiska Generaal Kaahiye, ama Barxada School Polozio ayaa ciidamada Booliiska.


Extended News

Munaasabad lagu qabtay xarunta ciidanka Booliiska Generaal Kaahiye, ama Barxada School Polozio ayaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed waxa ay halkaasi kusoo bandhigeen dhoolatus kala duwan oo ay ugu talo galeen madaxdii daawanaysay.


Waxaa ka qaybgalay munaasabada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Wasiirada Xukuumad C/weli Sheekh Axmed.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Qaasim Axmed Rooble oo Saxaafadda kula hadlay xarunta munaasabada ka dhaceysay ayaa sheegay in munaasabad tan ka weyn caawa ay ka dhaceyso Muqdisho oo madax iyo wasiiro ay kasoo qaybgalayaan.

Wuxuu sheegay in Booliiska Soomaaliya ay maanta farxad u tahay inay xusaan 71-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo maanta ku beegan.

 

sanadguuro-boolis-1.jpg

 

sanadguuro-boolis-2.jpg

sanadguuro-boolis-3.jpg

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.