Labada Madaxweyne Somaliland iyo Somalia oo ku heshiiyay Qodobbo dhowr ah.
Posted by abdi on December 21 2014 23:43:42

Wadahadalkii shalay gellinkii dambe ay ku yeesheen magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti, Xasan Sheekh iyo madaxweyne, Axmed Max'ed Max'uud (Siilaanyo) 


Extended News

Wadahadalkii shalay gellinkii dambe ay ku yeesheen magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti, madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Max'uud (Siilaanyo) ayaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya heshiis ay wada-gaareen.

 

 

 



Madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland ayaa kulankoodii shalay ee ahaa hordhaca waxay isku garteen qodobbo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; In dib loo billaabo wadahadalkii u dhaxeeya labada dhinac inta u dhexeysa 25-ka illaa 26-ka bisha Janaayo ee sannadka soo socda 2015-ka, kaasoo ay labada mas’uul ku heshiiyeen in lagu qabtay qabto magaalada Istanbul ee Turkiga.

Sidoo kale, heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa in wadahadalladaas intooda badan looga hadlo arrimaha siyaasadda, lana fuliyo qodobbadii horay ay ugu heshiiyeen Somalia iyo Somaliland, isla markaana laga joojiyo wax walba oo caqabad ku noqon kara wadahadalkii u socday.

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah; inaan deeqaha ka yimaada beesha caalamka ee bani’aadanimada ah iyo mashaariicda kale ee uu dib u dhisku ka mid yahay la siyaasadeyn, lana dhiiri-geliyo.



Waxaa kaloo heshiiska ka mid ah; In la fuliyo heshiiskii dhinaca hawada ee horay loogu heshiiyay, isla markaana la sameeyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeyn lahaa. Waxaa kaloo qodobbada ka mid ah in labada dhinac ay isla-gartaan in wadahadallada laga qayb-geliyo dalalka saaxiibka ay yihiin.

Dhanka kale, qodobbada ayaa waxaa ku jiray in labada dhinac ay iska garabsadaan sidii ay uga hor-tegi lahaayeen argagaxisada, burcadbadeedda iyo dambiyada abaabulan, si labada dhinac ay u adkeeyaan ammaankooda.

War-saxaafadeedkan oo laga soo saaray madaxtooyada Jabuuti ayaa yimid kaddib markii madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu u fidiyay casuumaad Xasan Sh. Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo su uu u wada-hadalsiiyo, maadaama wadahadalladii labada dhinac u dhaxeeyay uu hakad ku yimid.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa wuxuu noqonaya kii labaad oo labadan mas’uul Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo dhexmara, iyadoo la xusuusto in sannadkii hore ay ku kulmeen dalka Turkiga, markaasoo ay labada dhinac u socdeen wadahadallada hakadka galay.


Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.