Al-shabaab oo maanta weerartay saldhigga ciidamada AMISOM ee Xalane.
Posted by abdi on December 25 2014 23:37:31

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM.


Extended News

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.



Weerarku wuxuu ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo qof isa soo midaamiyey watey kaasoo ku qarxay afaafka hore ee xerada, waxaana intaas kadib isku dayey inay xerada gudaha u galaan dhowr nin oo ku hubeysnaa qoryaha daran dooriga u dhaca iyo bumbooyin.

Iska hor imaad muddo kooban socdey ayaa dhex maray ilaalada xerada iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Afh-hayeenka AMISOM Cali Aadan Xumad oo VOA-da waraysi gaar ah siiyey ayaa xaqiijiyey weerarka inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo baaxadda khasaaraha.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarka ugu yaraan 6 qof oo ay ku jiraan xubnihii weerarka soo qaadey iyo askar AMISOM ka tirsanaa ku dhinteen.

Dhanka kale af-hayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay weerarkan fuliyeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab laguna soo beegay xilli xerada gudaheeda ay ka socotey munaasabada ciida Kirismaska.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaalyahanada Al-shabaab ku guuleysteen inay xerada gudaha u galaan islamarkaana dileen tiro uusan cayimin oo askar ah qaar kalena dhaawacyo culus kasoo gaareen.

Hargeysa Online.