RW Cumar C/rashiid oo Maanta Xilka kala wareegaya Ra’iisul Wasaarihii Hore.
Posted by abdi on December 25 2014 23:44:15

Xaflad uu xilka kula wareegayo RW-ha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka socotaa qabanqaabadeeda magaalada Muqdisho, kaddib ansixintiisii shalay.


Extended News

Xaflad uu xilka kula wareegayo RW-ha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka socotaa qabanqaabadeeda magaalada Muqdisho, kaddib ansixintiisii shalay.

 

Ra’iisul wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed ayaa xilka ku wareejinaya RW cusub, iyadoo tani ay ka dhigan tahay in ra’iisul wasaare Sharma’arke uu si rasmi ah xilka howsha xukuumadda Soomaaliya ula wareegay.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay wasiiraddii hore oo weli xilalka sii haya, xildhibaannada baarlamaanka iyo marti-sharaf kale, iyadoo qaar ka mid ah wasiirradii hore ay sheegeen in xil wareejinta lagu soo wargeliyay saakay.

“Waxaa xilka lagu wareejinayaa maanta ra’iisul wasaaraha cusub, iyadoo nala soo wargeliyay saakay in xafladu ay dhacayso baqonimada maanta,

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra’iisul wasaaraha cusub Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale billowgii bishan kalsoonida kala laabtay ra’iisul wasaaraha xafiiska banneynaya C/weli Sheekh Axmed.

Xafladda ayaa lagu wadaa in ra’iisul wasaarihii hore iyo midka cusub ay ka jeediyaan khudbado kala duwan, iyadoo C/weli uu ka hadli doono sida ay wararku nagu soo gaarayaan waxqabadka xukuumaddii uu horkacayay oo shaqeysay muddo hal sano ah.

RW Cumar C/rashiid ayaa shalay khudbad uu ka jeediyay shalay kulankii ay xildhibaannadu ku ansixiyeen ku sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doono ay xoogga saari doonto arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii lagu heli lahaa siyaasad xasilloon oo madaxda dalka ay kuwada wada-shaqeyn karaan iyo amniga dalka oo la adkeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, Sharma’arke ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii 3-aad ee uu soo magacaabo madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii xilka loo doortay dhamamadkii sannadkii 2012-kii, iyadoo labadii ra’iisul wasaare ee ka horreyay ay madaxweynaha ku kala tageen khilaaf soo kala dhex-galay.

Hargeysa Online