Golaha Wakiilada Somaliland oo Markale Koranto la’aan u Furmi Waayey.
Posted by ifraax on January 01 2015 20:32:18

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudaneyaasha uga digay inay fadhiyada caadiga ah ee Golaha ka maqnaadaan.


Extended News

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudaneyaasha uga digay inay fadhiyada caadiga ah ee Golaha ka maqnaadaan ka dib markii labadii maalmood ee u dambeeyay Goluhu u furmi waayay Kotontoka oo buuxsami waayay.

Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in ay soo noqnoqtay fadhiyada Golaha oo Kotonto la’aan u qabsoomi waaya “waxa loo baahan yahay in ay Xildhibaanadu Kasoo qayb Galaan Fadhiyada, waad Arkayseen Oo Laba Fadhi ayay Kotonto La’aani Dhacday Horena way iskaga Dhic-dhici Jirtay, Wakhti yar ayaa Golaha u hadhay Shuruuc Badanina Way Hadhsan yihiin” ayuu yidhi

Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaan la aqbali doonin Mudane dambe oo inta uu Golaha yimaado marka uu saxeexo Buugga Xaadiriska iska baxa“Xildhibaanka Buugga Saxeexa iska baxa ee waxaanu u aqoonsan Doonaa Xildhibaan Maqan. Ninkasta cidii soo dooratay ayaa daba socota, doorashana way soo socotaa, Xildhibaanku Dadkiisa wixii uu kula Noqon Lahaa ayuu doonayaa,Waxaana ay ila tahay in Xildhibaan kasta ku Mash-quulsan yahay sidii uu Gobolka uu kasoo jeedo wax badan ugu Qaban Lahaa”Ayuu yidhi Baashe.

Gudoomiye Baashe waxa uu sheegay in ay Xeer hoosaadka golaha lala tiigsan doono Mudanaha iska maqnaada.

Hargeysa Online.