Mareykanka oo Xaqiijiyay inay Duqeyn ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.
Posted by ifraax on January 01 2015 20:51:43

Wasaaradda gaashaandhigga waddanka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiysay inay duqeyn diyaaradeed.


Extended News

Wasaaradda gaashaandhigga waddanka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiysay inay duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen meel ku dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe ay ku dileen sarkaal sar-sare oo Al-shabaab ka tirsan. Saraakiil ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay xalay in weerarkaas oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya Isniintii ay ku dileen Cabdishakuur Tahliil oo ay sheegeen inuu ahaa mas’uulka u qaabilsan Al-shabaab dhinaca sirdoonka. “Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa gantaallo culus la beegsaday gaari ay saarnaayeen Tahliil iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo marayay meel ku dhow degmada Saakow habeenkii Isniinta halkaas ayaana lagu dilay iyo laba sarkaal oo kale,” ayaa lagu yiri warbixin uu soo saaray Pentagon-ka. War-saxaafadeedka Pentagon-ka ayaa sidoo kale lagu yiri. “Dhimashada Tahliil waxay ku noqonaysaa Al-shabaab dhabarjab weyn, maadaama uu ahaa sakaalka dhinaca sirdoonka u qaablisanaa.” Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in tani ay guul u tahay dowladda Somalia, shacabka Soomaaliyeed iyo xulufadooda. Waxaa kaloo Pentagon-ka uu xusay in ay guul labaad u tahay danaha Mareykanka uu ka leeyahay gobolka. Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in C/shakuur Tahliil uu ahaa mas’uulkii lagu bedelay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay Sabtidii lasoo dhaafay.

Hargeysa Online.