Doon ay Somali leedahay oo ku Gubatay Dekedda Salalah ee Dalka Cummaan.
Posted by ifraax on January 01 2015 21:05:05

Inta la og-yahay 15- ka mid ah shaqaale la socday dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ayaa la bad-baadiyay ka dib markii dab-xooggan uu qabsaday.


Extended News

Inta la og-yahay 15- ka mid ah shaqaale la socday dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ayaa la bad-baadiyay ka dib markii dab-xooggan uu qabsaday xilli ay ku sugnayd dekedda magaalada Salalaha ee dalka Cumaan.

Waxaa doonidan oo lagu magacaabo Al-Yaasin ay maalmo ka hor xoolo isugu jira  lo’a iyo  ari ay geysay magaalo xeebeed ku taalla gobolka Dhofar ee dalkaas sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada doonidaas iska lahaa.

Dab-damiska Salalah oo u soo gurmaday doontan ayaa la sheegay in ay bad-baadiyeen kaliya shaqaalihii saarnaa ,waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare baaxad leh oo soo gaaray hanti kale oo doontan saarnayd.

“Hadda waxaa socda baaritaan la xirira sababaha keenay in doontan ay gubato ,waayo waxaa jirta cabsi laga qabo in dabka uusan kaligii iska imaan “ayuu yiri mid kamid ah Soomaalida la socotay doonidaas oo warbaahinta gudaha u waramay.

Masuulkan ayaan sheegin tirada xoolaha saarnaa doontan ,waxaana uu tilmaamay in khasaaraha hadda jira uu ka sii balaaran karo inta loo malaynayo ,waxaana uu ka codsaday Soomaalida Cumaan in arintan baaristeeda lagala shaqeyo.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa sidan oo kale u gubtay dhowr doomood oo nooca ganacsiga ah ,kuwaasi oo xoolo u waday dalalka Carabta, iyadoo sidoo kalena doommo ay kooxaha burcad-badeeddu leexsadeen sanadkii tagay.

Hargeysa Online.