Xafladii Lagu Doortay Gudoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Kulmiye ee Minnesota.
Posted by xaaji on January 05 2015 21:41:18

Waxaa caawa ka dhacday xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Minnesota xaflad si toos ah oo diimoqraadi.


Extended News

Waxaa caawa ka dhacday xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Minnesota xaflad si toos ah oo diimoqraadi ah loogu doortay gudoomiyaha cusub ee xisbigaa iyadoo ay doorashadaa codkooda ka dhiibteen 22 xubnood oo ka mid ah 25ka xubnood ee uu ka koobanyahay gudiga dhexe ee xisbigu ee gobolka.

 

Daawo Sawirada Xafladii Lagu Doortay Gudoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Kulmiye Laantiisa Minnesota

Waxaa halkaa ka hadlay ugu horayn Md Cali Salaad Dhamac oo gudoomiyaha gudida doorashada ee gobolka oo sheegay in ay howl dheer u soo mareen sidii ay doorashadan u qaban lahaayeen iyo sidii ay ukala saari lahaayeen tartamayaasha oo sanadkan aad u tiro badnaa isagoo sababtana ku sheegay in xisbiga ay ku soo biirayaan taageerayaal tiro badan oo doonaya inay hogaanka qabtaan kusaas oo qaar ka mid ahi ka soo diga rogteen xisbiya mucaaradka ah sida Md Maxamed-nasir dhoore oo ahaa xoghayihii guud ee xisbiga waddani ee waqooyiga Maraykanka oo hadana ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee dalkan Maraykanka oo isaga laftiisu halkaa ka hadlay isagoo sheegay in uu lala shaqeeyo gudoomiyaha cusub ee gobolka isaga laftiisuna uu si dhow ula shaqayndoono.

Intaa kadib waxaa laguda galay doorashadii oo xubin kastaaba soo ka caysay marka magiciisa lagu dhawaaqo kabibna ka qaadanayay gudida waraaqda codbixinta oo uu ku qorayay qofka uu dooranayo kadibna wuxuu ku ridayay sanduuq yar oo muraayad ah oo dadkii goobta fadhiyay wada arkayeen waxa ku dhacayay.

Markii codbixintii dhamaatay ayaa loogudagalay tirinta codadka oo isla gudida doorashadu ay tirinaysay waxaanay ku dhamaatay 12 cod oo uu helay Md Mustafe Cawil Saciid iyo 10 cod oo uu helay murashaxii kale waa Md Cumar Xaashi Yuusuf.


Waxaa bilaabatay khudbato koobkooban oo ay akhriyeen labadii murashax oo isu haneeyey guushaa ay kalaheleen gaar ahaam Md Xaashi oo sheegay inuu u hanaynayo saaxiibkii Md Mustafe guushaa uu gaadhay isla markaana uu ka shaqayndoono maadaama ay hal xisbi ka wada tirsanyihiin isku ujeedona yihiin.Md Mustafe ayaa isna geestiisa sheegay inuu uga mahad celinayo Md Cumar Xaashi hanbalyadaa,sidoo kale wuxuu sheegay inuu laanta xisbiga ee gobolka Minnesota oo dardar gelinayo howlaheeda isla markaana uu wax badan ku soo kordhindoono.


HargeysaOnline.