Jaaliyadda Soomaaliyeed ee G. Minnesota oo ka hadlay Geeridii Inj. Canshuur.
Posted by xaaji on January 05 2015 21:49:52

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xalay iskugu yimid kulan tacsi iyo duco ahaa.


Extended News

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xalay iskugu yimid kulan tacsi iyo duco ahaa, kaas oo ay ugu baroordiiqeen Injineer C/llaahi Cali Canshuur oo sanadkii hore lagu dilaya magaaladda Muqdisho.

Allaha u naxariistee Injineer Canshuur ayaa ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee muddo ku noolaa wadanka Mareykanka, isagoo go'aansaday inuu dib ugu laabto wadanka, si uu aqoontiisa ugu caawiyo, wuxuuna la shaqeynayay dowladda hoose ee gobolka Banaadir, isagoo ku howlanaa sidii loo dayactiri lahaa jidadka iyo soo celinta bilicda magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xuskan oo ay joogtay Marwadiisa Xaliimo Yarey, caruurtii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday waxaa ka hadalay, isla markaana u duceeyay culimo Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Sheekh C/raxmaan Shariif iyo Sheekh Axmed Taajir.

Waxaa kaloo ka hadlay ku xigeenka ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya Cawaale Cali Kullane oo sheegay inuu aad uga xunyahay aqoonyahanada SOomaaliyeed ee lagu dilayo wadanka.

 

 

 


"Waxaan dooneynaa inaan aragno dalkeena oo nabad ah oo aysan ka dhicin dhibaatooyin nuucan ah, waana masuuliyad saaran qof kasta inuu ka qeyb qaato sidii dhibkaas loo joojin lahaa" ayuu yiri Cawaale Kullane.

Madaxa Fagaaraha Sadiiq Warfaa oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaashii xuskan ducada ah ayaa sheegay in Injineer Canshuur uu ahaa nin qaali ku ah jaaliyadda gobolkan.

"In C/llaahi Canshuur iga hor geeriyoo ma rabin, waana i dhibeysa tacsidiisa, waayo wuxuu ahaa nin u dhexeeya Soomaali oo idil, aadbaan u jecleyn, waana tabeynaa" ayuu yiri C/llaahi Diiriye Cali oo adeer u ahaa marxuumka.

Hiba Nuura ayaa iyana tiri "Canshuur wuxuu ahaa geesi Soomaaliyeed, gacan ka xaq daran ayaana dishay waxaana leeyahay geeridii dishay geedkeed ha go'o"

C/qaadir Xaashi Dalmar oo ka mid ahaa dadkii aqoonta wanaagasan u lahaa Injineer Canshuur ayaa sheegay inay sii wadi doonaan fikirkiisii wanaagsana iyo waxqabadkii uu damacsanaa, wuxuuna xusay inay dhiseen Foundation ku shaqeyn doonta magaciisa, taas oo sanad kasta qaban doonto xuskiisa, isla markaana gacan ka geysan doona dib u dhiska dalka iyo xuquuqda aadanaha.

"Kuwii dilay Canshuur waxay gooyeen geedkii ay harsan lahaayeen" ayuu yiri Axmed Cismaan Yuusuf.

"Waan tabi doonnaa Canshuur" ayuu yiri madaxa maqaayadda Safari Abaadir Xaashi oo ay Canshuur ahaayeen saaxiibo isku dhow.

Ugu dameyntii jaaliyadda ayaa saxiixday codsi ku socday dowladda Mareykanka, kaas oo ahaa inay gacan ka geysato baaritaanka dadkii dilay Injineerka, maadaama uu sidoo kale ahaa muwaadin Mareykan ah.

Waxaa kale oo xuska ka hadlay Rebecca Otto oo ah hanti dhowrka guud ee gobolka Minnesota, Raaxo Warsame, Injineer Jabriil Afyare, C/caziiz Dhoore, Siciido Xasan iyo xubno kale oo ka mid ahaa jaaliyadda gobolka.


HargeysaOnline