Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyada Ah Ku Meel Mariyay Xeerka Duur-Joogta.
Posted by xaaji on January 05 2015 22:11:06

Xildhibaanada Fadhigan Kasoo Xaadiray Ayaa Tiradoodu Dhamayd 48 Xildhibaan,Waxaan Xeerka u Codeeyay Fadhigii Maanta.


Extended News

Xildhibaanada Fadhigan Kasoo Xaadiray Ayaa Tiradoodu Dhamayd 48 Xildhibaan,Waxaan Xeerka u Codeeyay Fadhigii Maanta ee Golaha wakiilada somaliland oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayay mudanayaashu Cod Aqlabiyada Ah ku Meel Mariyeen Xeerka Duur-joogta iyo Deegaanka. Xildhibaanada Fadhigan Kasoo Xaadiray Ayaa Tiradoodu Dhamayd 48 Xildhibaan,Waxaan Xeerka u Codeeyay 42 ,mudane,Waxaana diiday,3 Mudane ,Waxaana ka Aamusay Xeerkan 1 Mudane,Guddoomiyahuna Muucodayn. Xeerka Oo Mudo Badan Horyaala Xildhibaanada Golaha Wakiilada somaliland ayaa Sidaasna ku dhaqwan Galay Saaka isaga oo loogu codeeyay Cod Aqlabiyada Leh. Xeerka Duur-joogta iyo deegaanka Ayaa Faa’ido Badan ugu Fadhiya Dalka Sida uu sheegay Guddoomiyahu isaga oo dalka ka Mam-nuucaya in Laga Ugaasado Ugaadha Joogta.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.