Ciidanka Amniga Dowladda oo Maanta Adkeeyay Amaanka guud ee Muqdisho.
Posted by ifraax on January 05 2015 22:21:25

Ciidamada Amniga dowladda Somalia ayaa adkeeyay ammaanka caasimadda Somalia ee Muqdisho, iyadoo lagu warkayo wadooyinka muhiimka ah.


Extended News

Ciidamada Amniga dowladda Somalia ayaa adkeeyay ammaanka caasimadda Somalia ee Muqdisho, iyadoo lagu warkayo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ciidammo fara badan oo baaritaanno ku sameynaya gaadiidka gaarka loo leeyahay. Waddooyinka ay ka mid tahay Maka Al-Mukarama oo ah ah tan tagta madaxtooyada ayaa ah mid ciriiri ah oo gaadiidku ay faylal dhaadheer ku jiraan, iyadoo la baarayo baabuurta gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha, sidoo kalena ay ciidamadu amnigu ay su'aalo weydiinayaan dadka saaran baabuurta ee ay ka shakiyaan. Saraakiisha ciidamada amniga dowladda ayaa sheegay in baaritaannadan ay yihiin kuwo lagu adkeynayo amniga caasimadda Somalia, isla markaana ay uga hortagayaan weeraro ay magaalada ka geysato Al-shabaab. “Howl-galladan waa kuwo ammaanka Muqdisho aanu ku adkeynayno, gaadiidka oo dhan waxaa lagu sameynayaa baaritaan, mararka qaarkoodna dadka saaran ee aanu ka shakinno su’aalo ayaan weydiinaynaa, waana qorshe sii socon doonta in amniga laga xaqiijinayo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda Somalia. Qorshahan lagu adkeynayo amniga caasimadda ayaa imaanaya iyadoo uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Muqdisho, kaasoo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay sida ay dowladdu sheegtay shan qof oo shacab ah, balse Al-shabaab oo sheegay mas’uuliyaddiisa ayaa sheegtay in ay ku dileen siddeed askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee Gaashaan. Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa ku gooddisay inay sii wadi doonto qaraxyada ay ka geysanayaan Muqdisho iyo beegsiga ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dowladda caawinaya.

Hargeysa Online.