Madaxwayne Siilanyo Oo Dhagax-Dhigay Xarun Cusub.
Posted by abdi on January 23 2015 08:18:43

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa Maanta si Rasmiya u Dhagax-Dhigay Xaruun Cusub Oo Loo Dhisi-Doono Wasaradda Maaliyadda Gobalka Togdheer,


Extended News

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa Maanta si Rasmiya u Dhagax-Dhigay Xaruun Cusub Oo Loo Dhisi-Doono Wasaradda Maaliyadda Gobalka Togdheer,


Dhismahani Cusub Ee loo Dhisi Doono Wasaradda Maaliyada Gobalka Togdheer ayaa Munaasibadii Lagu Dhagax-Dhigayay Waxa Goob Joog ka ahaa Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda Xukumada Madaxwayne Silanyo,

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaale ayaa isagu Fahfahin ka Bixiyay Dhismahani Cusub Ee Loo Dhisi-Doono Wasaradda Maaliyadda Gobalka Togdheer.
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Runtii Maanta Aad Baanu Ugu Farax-Sanahay in Madaxwaynihii Jamhuriyadda Somaliland Uu Nagala Soo Qayb-Galay Dhagax-Dhiga Xafiiska Wasaradda Maaliyadda Gobalka Togdheer,Mudane Madaxwayne insha-allahu Tacalaa Hadii Aanu Nahay Wasaradda Maaliyadda waxaanu Sida Ugu Dhakhsaha Badanle Aanu u Bilaabi-Doona Dhismaha Wasaradda Maaliyadda Ee Gobalka Togdheer,Dhismahani Cusub Ee Aanu Dhawaan u Dhisi-Doono Wasaradda Maaliyadda Ee Magaladda Burco Waxa Aanu Rajaynaynaa inuu Noqdo Dhisme Casriya Oo ay Dhamaanba Kharashka ku Bixi-Doona Dhismahaasi Cusub ay Bixin-Doonto Wasaradda Maaliyadda Somaliland” Ayuu Yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland  C/Casiis Maxamed Samaale


Dhankiisana Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Oo Halkaasi ka hadlay ayaa Wasaradda Maaliyadda Somaliland ku Amanay Dedaalka ay ku Howlan Tahay Waxaana ka Mid ahaa hadalidisii Sida Tan

” Waxaanu Maanta Dhagax-Dhigaynaa Xaruun Cusub Oo Loo Dhisi-Doono Wasaradda Maaliyadda Somaliland Ee Gobalka Togdheer Waxaanan Masuuliyiinta Wasaradda Maaliyadda ku Amanayaa Dedaalkooda” Ayuu Yidhi Madaxwaynaha Somaliland

Ugu Danbayntii Madaxwaynaha Somaliland ayaa si Rasmiya u Dhagax-Dhigay Dhismaha Cusub Ee Dhawaan Loo Dhisi-Doono Wasaradda Maaliyadda Ee Gobalka Togdheer.

  

Hargeysa Online