Wariye ka tirsan Al-Jazeera Tv oo laga sii daayay Xabsi ku yaalla dalka Masar.
Posted by abdi on February 02 2015 07:23:57

Xukuumadda dalka Masar ayaa maanta ayaa wariye u dhashay Australia oo u shaqeynayay Al-jazeera TV qaybtiisa Ingiriiska kasii daysay xabsi uu muddo sannad ka badan.


Extended News

Xukuumadda dalka Masar ayaa maanta ayaa wariye u dhashay Australia oo u shaqeynayay Al-jazeera TV qaybtiisa Ingiriiska kasii daysay xabsi uu muddo sannad ka badan ku jiray, iyadoo wariyahan loo musaafurisay dalkiisa. Peter Greste oo 49-jir ah horayna ugu soo shaqeeyay BBC-da ayaa xabsiga maanta laga sii dayay ku xirnaa tan iyo bishii December, 2013-kii. Iyadoo lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu baahiyay warar been ah, iyadoo la xukumay bishii June 2014-kii. Wariye Greste ayaa waxaa la xirnaa laba wariye oo kale oo iyaguna ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Telefishinka Al-jazeera, oo kala ah: Maxamed Fahmi iyo Baher Maxamed; kuwaasoo weli ku jira xabsiga, lamana sheegin in la sii-dayn doono iyo in kale. Saddexdan wariye ayaa waxaa lagu eedeeyay inay baahiyeen warar lagu sheegay been oo ay ku taageerayeen madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi iyo ururka Akhwaanal Muslimiin. Al-Jazeera Tv, weli kama aysan hadlin labada saxafi ee Fahmi iyo Baher oo weli ku xiran dalka Masar, kuwaasoo la sheegayo in iyaga Masar dhawaan laga masaafuriyo, inkastoo aan la ogeyn xilliga lasii dayn doono. Sidoo kale, maamulka Al-jazeera Tv ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan sii daynta wariye Peter Greste, kaasoo Masar laga musaafuriyay, waxayna u dhasheen labadan wariye ee weli xiran dalalka Canada iyo Masar. Wariyeyashan ayaa waxaa beeniyay dhammaan eedeymaha loosoo jeediyay, iyagoo sheegay in gabi ahaan eedeymahooda ay yihiin kuwo been abuur ah oo aanay lug ku lahayn.

 

HargeysaOnline