Baaq taageero ah oo ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale)
Posted by ifraax on February 20 2015 08:59:49

Baaq taageero oo ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale)

 Ujeeddo taageero buuxda.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda  waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Baaq taageero oo ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale)

Ujeeddo taageero buuxda.

Taariikh 15/2/2015.

 Annaga oo ah qurbajooga beeshan waxaanu taageero buuxda la garab taagannay, guddida qabanqaabo ee uu Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir Suldaan Cabdullaahi ka dib markii uu kulan la qaatay cuqaasha iyo waxgaradka beesha Ciidagale  uu u igmaday in ay ahaadaan gudi qabanqaabo kana kooban 11 kaw iyo taban caaqillo iyo jiif caaqillo isugu jira,kuwaas oo beesha oo shir u qabanqaabin doona si ay aayaheeda uga wada tashato iyo guudahaan danta dalka Somaliland shirkaas oo hore beeshu ugu baaqday magaciisuna ahaa BARKHADLE 2  OO KIISII KOWAAD HORE BEESHA LONDON UGA QABSOOMAY 8/6/2013 , waxaanay hawsha ka fududayn doonaan ama kala wareegi doonaan guddidii horumarinta ee ay beeshu doratay 29/6/2011 si ay beesha u hoggaamiyaan muddo laba sannadood ahayd waxaanay kaga dhammayd 28/6/2013 gudidaas oo ka koobnayd 35 xubnood waxaana ka fadhiistay oo bulshada ka mid noqday ka dib markii wakhtigii ka dhammaaday 31, waxaana iska sii watay 4 xubnood gudidaas oo aanay ardaayada beeshu u dhammayn waxaanu Allah uga baryeynaa in uu ajri ka  siiyo muddadii ay xilka soo hayeen waanay ku mahadsanaayeen.

 

Waxaanu beesha ku baraarujinaynaa in lala shaqeeyo gudidaas qabanqaada shirwaynaha beesha u hawl galaysa dhanna looga soo uga soo wada jeedo danaha beesha iyo dalkaba, lagana digtoonaado wixii carqalad ku noqon kara annaguna diyaar ayaanu u nahay.

 

Beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) waa beel ku suntan ilaalinta qarannimada iyo adkaynta nabadagelyada dalka jamhuuriyada Somaliland lexjeclo buuxdana u haysa heeganna u ah horumarka dalka.


Baaqan waxaa soo saaray.

Jaalliyadaha qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale)

Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK
  1. Deeq Cabdi Digale======= Guddoomiye.
  2. Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.
  3. Mahad Cabdi Xaji Good===Xoghaye.
  4. Cabdi Cabdulahi Mooge==xubin.
  5. Maxamed Cabdi Omaar===xubin.
  6. Cabdi Cali Xusen======xubin.
  7. Adan Farax Geedi=====Xubin.
  8. Fuaad Cisman Muxumed==xubin.
  9. Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.
Garabka haweenka.
  1. Amina Xaashi Guuleed======== Guddoomiye garabka haweenka.
  2. Sahra Ismacil Xasan====== Khasnajiyad.
  3. Hodan Sulda Rashiid======xubin.
  4. Fosiya Cisman Cawaale=====xubin.
  5. Ifrax Maxamed Baaruud====xubin.
  6. Fardawsa Adan Koodbuur==xubin.
  7. Nuura ciise omaar ======xubin
Guddida marjaca ama musdambeedka.
  1. Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)
  2. Maxamed  Xasan Jafal.
  3. Maxamed Yusuf Diirqadhaadh
  4. Xasan Macalin.
  5. Abokor M.Shukri.
  6. Sheekh Ibrahim.
  7. Ismacil A.Xaawa.

  • Jaaliyadaha Reer North America.
  • Jaalliyadda reer Australia
  • Jaalliyadaha beesha ee waddamada Carabta.
  • Jaalliyadda reer Germany
  • Jaalliyadaha beesha ee waddamada scandinavian-ka
  • Iyo dalalka  iyo wadamo kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin.
Dhammaan waxaanu mar labad taageero buuxda la garab taagannay gudidan waxgaradka beeshu u dooratay in ay noqdaan gudi qabanqaabo ee Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir Suldaan Cabdullaahi u guddoomiyey una igmaday.

Gudida qaban qabada shirweynaha Ciidagale ee uu ansixiyey suldaanka guud  ee 

beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan c/ qaadir Suldan Cabdlahi 

Magacyada Gudida
1. Jiifcaaqil Xuseen Xasan Cali warabe 
2. Caaqil Xasan Badmaax Maygaag

 

3.Jiifcaaqil Aabi xasan Caqil yare 
4. Caaqil Xasan Ibrahim Xuseen
5. Caaqil Maxamed Weerar Cismaan
6. Caaqil khadar Maxamed Axmed 
7. Caaqil Cali Maxamed xuseen 
8. Caaqil Cali Axmed Cabdlahi 
9. Caaqil Nuur Muxumed xirsi 
10.Jiifcaaqil Mustafe Yusuf Gaaxnuug 
11. Jiifcaaqil liiban Maxamed Cabdi

Wa billaahi tawfiiq

Guddoomiyaha jaalliyadaha beesha badhtamaha,
bariga iyo koonfurta Hargaysa
Deeq Cabdi Digale