Madaxweyne Siilaanyo oo Xeer Madaxweyne ku Aas-aasay Xafiiska Diiwaan-gelinta Sekeda.
Posted by ifraax on March 07 2015 22:14:20

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku dhaqangalinayo aasaaska xafiiska diiwaan-gelinta sekeda.


Extended News

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku dhaqangalinayo aasaaska xafiiska diiwaan-gelinta sekeda, isla markaana u magacaabay sadex masuul oo madax ka noqon doonno.


War-saxaafadeed ka soo baxay xafiisma madaxweynaha ayaa lagu xusay aasaaska xafiiska diiwaan=gelinta Sekeda iyo qaabka uu u shaqaynayo, taasoo hoos taggi doonta wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu maanta aas-aasay xafiiska Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon doona, Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada, Gudoomiye ku xigeen iyo Agaasime guud.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay qaabka uu xafiiskani u shaqayn doonno:

Xilka iyo Waajibaadka Xafiisku waa:

1. Qaadashada iyo dejinta shuruudaha shaqaalaha sekada.
2. Ka-guddoomidda qofka bixinaya sekada qadarka sekada ee ku waajibtay.
3. Aqbalaada qiraalka saka-bixiyaha.
4. Dhigidda sekada Xisaabta Xafiiska ee Baanka Dhexe ee Somaliland.
5. U qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada.

Guddida la talinta xafiiskani waxa uu ka koobnaan doonno:

1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
2. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
3. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
4. Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabayo, oo noqon doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Ugu dambeyn, Siilaanyo wuxuu xafiiskan diiwaan-gelinta Sekeda u magcaabay saddexdan mas'uul ee kala ah:

1. In Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Sheekh Cawil Faatax Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Sheekh Ibraahin Axmed Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa Online