Wefti Ka Socda Xukuumadda Ayaa U Ambobaxay Shir Lagaga Hadlayo Horumarinta Somaliland.
Posted by abdi on March 08 2015 23:38:35

Wefti wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta u ambobaxay caasimada Kenya ee Nairobi, halkaasi oo ay kaga qayb gali doonaan.


Extended News

Wefti wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta u ambobaxay caasimada Kenya ee Nairobi, halkaasi oo ay kaga qayb gali doonaan shir lagaga hadlayo horumarinta Somaliland.

 

Weftigan wasiirada ahaa oo kala baxay shalay iyo maanta ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hore u sii baxay iyo weftiga maanta baxay oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shir, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Deegaanka.

Weftigan ayaa inta ay ku sugan yihiin magaaladda Nairobi waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan wadamada Qaadhaan bixiyeyaasha ah ee dhinaca horumarka Somaliland ka taageera.

Shirkan ayaa waxa sidoo kale waxa ay weftigu inta ay Nairobi ku sugan yihiin kulan la yeelan doonaan hay’addaha ay sidoo kale arrintan khusayso. 



Sacad Muse Cabdi

Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha