Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Goor Dhawayd Geeriyooday
Posted by abdi on March 09 2015 00:52:37

Inaalilahi wa inaa ilayhi raajicuun , Waxa goor dhawayd ku geeriyooday Cisbitaalka Magaalada Hargeisa Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale Oo Kamid ahaa Xildhibaanada golaha Wakiilada .


Extended News

Inaalilahi wa inaa ilayhi raajicuun , Waxa goor dhawayd ku geeriyooday Cisbitaalka Magaalada Hargeisa Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale Oo Kamid ahaa Xildhibaanada golaha Wakiilada .
Geerida Xildhibaanka ayaa waxa Goor dhawayd Shaaciyay Qoyskiisa.
Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii Xisbigii Udub uga soo baxay Gobolka Sool Gaar ahaad deegaanka Qorilugud.


Xildhibaanka ayaa Sida la sheegay Xanuun loo dhigay Cisbitaalka Magaalada Haregisa Halkaas oo markii dambena Geeridu igu timi.
Waxaa kaloo tacsi diraya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku geeriyooday Hargeysa  maanta, 08/03/2015

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


INAALILAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN