Qoyska Madaxweynaha oo Dadaal Dheeraad Ugu Jiro Wareejinta Dekadda Berbera.
Posted by abdi on March 10 2015 23:52:51

Wargeyska Indian Newsletter oo soo xiganaya ”Africa Intelligence” ayaa dabayaaqadii todobaadki hore(27/2/2015) soo bandhigay laba warbixinood.


Extended News

Wargeyska Indian Newsletter oo soo xiganaya ”Africa Intelligence” ayaa dabayaaqadii todobaadki hore(27/2/2015) soo bandhigay laba warbixinood oo ka sheekaynaya dadaalka weyn ee ay marwada kowaad ee Somaliland Aamina Maxamed Xaaji Jirde iyo wiilka inanta ka qaba ee Baashe Cawil ugu jiraan sidi ay magaaladda dekedda Berbera ugu wareejin lahaayeen shirkado shisheeye oo ay iyagu dilaaliin ka yihiin.

Shirkadahan oo laba ka mid ahi ay ka soo jeedaan dalka Imaaraatka Carabta(Dubai World iyo Abu-Dhabi Ports Company) waxa wehelisa mid Faransiis ah oo la yidhaahdo Bollore.

Qayb ka mid ah warbixinaha aanu kor ku tilmaamnay aya waxay sheegaysa in Baashe Cawil Xaaji Cumar oo uu madaxweynaha Somaliland sodog u yahay uu hanti ku leeyahay magaalooyinka London ,Mancherster,Dubai,Nairobi iyo Hargeysa isla markaana ganacsi uga socda wadamo kale oo badan balse uu hadda duldhigtay dekaddi Berbera sii uu uga abaanin lahaa shirkado ajnabi ah oo laga kireeyo.

 

Waxa kale oo warbixinahaasi tilmaamayaan in Baashe Cawil uu taageero buuxda ka haysto iyo isku haleynna ku qabo marwada kowaad,wasiirada macdanta iyo madaxtooyada iyo waliba guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka kuwaasoo u wargeysku sheegay inay u fududeeyaan mashuuraca uu abbaanka ka yahay ee wareejinta dekadda Berbera iyo hawlahiisa ganacsi ee kale ee dawladda kaga xidhma.Tusaale ahaan waxa dhawaan Baashe Cawil iyo nin Baakistaani ah oo uu abbaan u yahay qandaraas aan la shaacin lagu siiyey laguna wareejiyey qayb cusub oo laga furay wasaaraadda Hawlaha guud taasoo la sheegay inay baadhitaan iyo tijaabin(testing) ku sameydoonto gaadiidkasta oo dalka dibadda uga soo dega isagoo kharash badan ku qaadan doona hawshaasi.

Hargeysa Online