Guddida beesha Ciidagale ee jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) deggen Ingiriiska.
Posted by abdi on March 23 2015 10:55:16

Waxaanu la socodsiinayna dhammaan dadka ka soo jeeda beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) ee ku dhaqan dalka Ingiriiska in ay ka soo wada qayb galaan shir ka qabsoomi doona haddii Allah idmo.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem. Mudanayaal iyo marwooyinka sharafta iyo maammuuska naga mudan waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Waxaanu la socodsiinayna dhammaan dadka ka soo jeeda beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) ee ku dhaqan dalka Ingiriiska in ay ka soo wada qayb galaan shir ka qabsoomi doona haddii Allah idmo London shirkaas oo ay beeshu kaga wada hadli doonto kagana tashanayso danaha beesha, waayaha qurbaha iyo arrimaha ka jira dalka jamhuuridda Somaliland kaas oo muhiimad xooggan leh una baahan in aanay beeshu u kala hadhin,waxaa kale oo aanu soo dhowaynayna dhammaan jaalliyadaha beesha intii ka soo qayb gali karta.

Shirkaas waxaa lagu soo qaadi doonaa qodobbo beesha masiirkeeda khuseeya.


Haddaba waxaa habboon in aan la dhayalsan xilna la iska saaro dhammaan bulshada beesha qaybaheeda kala duwan,

Goobta shirka:
Harrow Council,civic centre
Station Road
Harrow
London
HA1 2XY
Taariikhda: maalinta sabtida 28/3/2015
Saadda: 4pm afarta galabnimo.
Fadlan wakhtiga ha ilaaliyo
Wixii faahfaahin ah kala xidhiiddh.
Deeq Cabdi Digale:00447946819571.
Mutafe cabdullaahi Ismaaciil:0044793172107.
Sahra Ismaaciil Xasan: 00447944754130
 Ilaahay ayaa mahad leh