Weerarro Qorsheysan oo Maanta lala Beegsaday Hoteelka Maka Al-Mukarama.
Posted by abdi on March 28 2015 02:12:21

Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor-dhow ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Maka A-Mukarama ee magaalada Muqdisho.


Extended News

Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor-dhow ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Maka A-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo markaas kaddib ay xoog hubeysan gudaha u galeen hoteelka.


Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu yahay Noah, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah. iyadoo kooxo hubeysan ay gudaha u galeen hoteelka Qaraxa kaddib.
“Albaabka dambe ee hoteelka ayaa waxaa ka dhacay qarax xooggan, innagu waxaan xiligaa ku sugnayn qaybta Shaaha laga cabo, markii qaraxu dhacay ayaan maqalnay rasaas gudaha Hoteelka ka dhacaysa, aniga iyo dhowr ruux oo kale waxaan isku xirnay qol hoteelka ka mid ah. Waxaana xilli dambe kasoo boodnay daaqadda inagoo badqabna,” ayuu u sheegay warbaahinta mid ka mid ah dadkii hoteelka ku sugnaa xilligaas oo C/nuur lagu magacaabo. Sidoo kale, qaraxa ayaa khasaare xooggan u geystay dhismaha hoteelka iyo kuwa ku dhow, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan xooggan ee ismiidaaminta ah.
Weerarkan ayaa noqonaya kii oo bishan gudaheeda ka dhaca dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, iyadoo weerarkan kii ka horreeyay ay sheegatay Al-shabaaab oo falal qaraxyo ah ka fulisa Muqdisho.
Rasaas goos-goos ah ayaa weli ka dhacaysa agagaarka hoteelka uu qaraxu ka dhacay halkaa oo ay xireen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in xaaladdu ay cakiran tahay.

Hargeysa Online