Ogeysiis Xisbiga waddani ee qaarada Europe.
Posted by abdi on March 28 2015 02:20:48

XISBIGA WADDANI EE QAARADA YURUB AYAA UGU BAAQAY DHAMAAN TAAGEERAYAASHIISU INAY KAALIN MUG LEH KA QAATAAN XAFLADA AQOONSIGA GOLAHA DEEGAANKA CARDIFF.  


Extended News

Anigoo ku hadlaya afka Guud ahaan Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub, waxaan ugu baaqayaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga Waddani inay si mug leh uga qayb-qaataan xaflada Berito subax oo khamiis ah, taariikhduna tahay 26/03/2015 ka dhici doonta Golaha Deegaanka ee magaalada Cardiff ee Wadanka UK. Sidoo kale waxaan Shacabka reer S/land guud ahaan ugu baaqaynaa inay taageeradooda la garab istaagaan Aqoonsigan, si mug lehna looga soo qayb-galo.

Xisbiga Waddani waxuu marwalba hormuud ka yahay waxkasta oo lagu dardar gelinayo Midnimada iyo Gooni-isutaaga Somaliland:
1) Xisbiga Waddani wuxuu ka soo shaqeeyey Aqoonsigii Golaha Deegaanka ee Sheffield ku aqoonsadeen S/land
2) Xisbiga Waddani waxuu aasaaskeeda lahaa Ka taagidii Calanka S/land ee Magaalada Bristol
3) Xisbiga Waddani waxuu hormuud ka ahaa in Codka iyo Rabitaanka Shacabku gaadho Golaha Baarlamaanka ee Waddankan UK
4) Xisbiga Waddani waxuu bilowgeeda lahaa kana midho-dhalin doonaa in Berrito Golaha Deegaanka ee Cardiff u codeeyaan Aqoonsiga S/land
5) Waxaa Xisbiga Waddani ka go'an in Gobol walba oo Aduunka ah oo taageerayaashayadu joogaan la gaadhsiiyo Dhawaaqa iyo Rabitaanka Gooni-isutaag Shacabka S/land
6) Waxaa Xisbiga Waddani ka Go'an in Sawirada Xukuumada Kulmiye iskaga qaadayso Aqoonsiyadan aanu Xisbi ahaan ka soo shaqaynay ee aysan wax-qab ku darsan iyo Tunka-saarashada Xubno qaab beelaysan loo soo agaasimay oo Saxaafada la horkeenaaba aysan Xisbiga Waddani marnaba ka hor-istaagi doonin dadaalka aanu ugu jirno Ictiraaf u raadinta Wadankayaga iyo Shacabkayagaba.

Waxaan Marlabaad ugu baaqayaa Shacabka reer S/land iyo Taageerayaasha Dhamaan Xisbiyada Qarankaba gaar ahaana  Qaaradan Yurub iyo Wadankan UK-ba inay si buuxda oo mug leh uga soo qayb-galaan Xafladan Taariikhiga ah.

Illahay baa Mahad leh

Afhayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani
Qasim Aadan Saleebaan
kasslmn@aol.com
London