Danjire Yuusuf Bari-bari oo ku geeriyooday weerarkii hotel Maka Al-mukarama.
Posted by abdi on March 28 2015 02:31:18

Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-bari) oo ahaa danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva eayaa caawa u geeriyooday dhaawac kaso gaaray.


Extended News

Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-bari) oo ahaa danjiraha Somalia u fadhiya xarunta Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ee Geneva eayaa caawa u geeriyooday dhaawac kaso gaaray weerarkii ay Al-shabaab maanta ku qab-satay Hoteelka Maka Al-Mukarama.

Weerarkaii Hotel Maka Al-Mukarama oo ay sheegatay Al-shabaab waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof, iyadoo ciidamada dowladduna ay sheegeen inay dileen dhammaan xubnihii weeraray Hoteelka.

Madaxweynaha Somalia iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ayaa tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyood danjire Yuusuf Bari-bari, iyadoo intii uu socday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama ay xubnaha dowladdu isku xireen qolalka hoteelka si ay uga badbaadaan xoogaggii weeraray hoteelka oo gacanta ku hayay muddo saddex saacadood ka badan.

Danjire Bari-bari ayaa kasoo shaqeeyay dalka dibaddiisa, isagoo waqtiyadii ugu dmbeeyay ahaa wakiilka Somalia ee Geneva, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen weerarkan in ka badan 20-qof oo kale.

Howlgalka hoteelka ayaa waxaa fiidnimadii caawa soo af-jaray ciidamada gaarka ah ee ay dowladdu leedahay, iyadoo waddadaas oo muhiim ah y xiran tahay caawa, lagana maqlayo mararka qaarkood rasaas goos-goos ah.

Si kastaba ha ahaaatee, weerarkan ayaa noqnoaya kii ugu xoogganaa ee lagu qaado Hoteel Maka Al-Mukarama, iyadoo aanay jirin weli war rasmi ah oo ku saabsan weerarkaan oo ka soo baxay dowladd Somalia.

Hargeysa Online