Khasaaraha weerarkii Jaamacada Gaarisa oo kordhay.
Posted by ifraax on April 03 2015 00:42:46

Ugu yaraan 19-qof oo la sheegay in laba ka mid ah ay yihiin xoogaggii Al-shabaab ayaa ku dhintay weerarkii Jaamcadda Gaarisa ee dalka Kenya.


Extended News

Ugu yaraan 19-qof oo la sheegay in laba ka mid ah ay yihiin xoogaggii Al-shabaab ayaa ku dhintay weerarkii Jaamcadda Gaarisa ee dalka Kenya, iyadoo dhaawucuna uu marayo 75-qof, sida ay sheegeen qaar ka mid ah mas’auuliyiinta dalka Kenya.

 

Xoogaggii Al-shabaab ee weeraray Jaamacadda ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin gudaha Jaamacadda Gaarisa; ahalkaasoo ay weli ku xayiran yihiin 533 arday oo ka mid ah ardaydii Jaamacaddaas wax ka baranayay, iyadoo illaa hadda la badbaadiyay 282 arday.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka, iyadoo xukuumadda Kenya ay geysay halkaas ciidammo wata kaarayaal iyo gaadiidka kale ee gaashaaman.

 

Hargeysa Online