Muwaaadiniin Soomaaliyeed oo lagu xiray Magaaalada Alexandria ee Waddanka Masar.
Posted by ifraax on April 06 2015 20:42:35

Ciidamada amniga dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay 35-qof oo Soomaali ah, kuwaasaoo 25 ka mid ah ay ahaayeen haween.


Extended News

Ciidamada amniga dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay 35-qof oo Soomaali ah, kuwaasaoo 25 ka mid ah ay ahaayeen haween, waxaana la qabtay xilli ay doonayen in si sharci-daro ah dalkaasi uga tahriibaan.

Dadkan oo xilliyadii ugu dambeeyay ku noolaa Masar ayaa qorshahoodu ahaa inay dalkaas uga tabiiraan waddanka Talyaaniga si ay u helaan nolol dhaanta midda ay ku nool yihiin.

Illaa iyo hadda waxaan jirin cid u dooday dadkan Soomaaliyeed ee lagu xiray magaalada Alexandria ee waddanka Masar, iyadoo aan la ogeyn sida uu noqon doono xaalkooda.

Waddanka Masar ayaa horay xabsiyada ugu haysay dad badan oo Soomaali ah, kuwaasoo ciidamada dalkaas ay ka qabteen xeebaha Masar, iyagoo ku gudo jira tahriib.

Xukuumadda Somalia illaa hadda wax war ah kasoo saarin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Masar, iyadoo dalkaas ay ku nool yihiin Masar, kuwaasoo qaarkood ah arday wax ka barta jaamacadaha dalkaas.

Hargeysa Online.