Maxkamad Dil ku Xukuntay Rag loo Haysatay Dilalka Xildhibaanno Loogu Geystay Muqdisho.
Posted by ifraax on April 06 2015 20:52:23

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay laba ruux oo loo haystay inay gacan ka geysteen.


Extended News

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay laba ruux oo loo haystay inay gacan ka geysteen dilal saddex xildhibaan Muqdisho loogu kala geystay sannadkii hore.



Labada qof ee lagu xukumay dilka toogasho ayaa lagu kala magacabaa, Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi, kuwaasoo maxkamaddu ay sheegtay inay qirteen eedeymihii loo haystay labadan qof.

Shuceyb Ibraahim Mahdi ayay maxkamaddu sheegtay inuu qirtay inuu gacan ka geystay dilalkii loo geystay saddexdii xildhibaan ee kala ahaa; Saad Cali Warsame, Sheekh Aadan Maxamed Cali (Sheekh Madeer) iyo Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Xildhibaan

Sidoo kale, Shucayb ayaa qirtay in Faarax Cali Cabdi uu ka yimid degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, uuna kusoo dhaweeyay hoygiisii, ayna kawada qayb-qaateen dilal dhowr ah oo Muqdisho ka dhacay.

Guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqay xukun dilka ah ee ay maanta maxkamaddu ku ridday labadan ruux; isagoo xusay in lagu xukumay dil toogasho.

Shuute ayaa intaas ku daray inay labadan ruux racfaan ka qaadan karaan xukunka dilka ah ee lagu xukumay maanta muddo 30-maalmood ah, haddii kalana uu sidaasi ku dhaqan-geli doono xukunkan.

Ugu dambeyn, labada ruux ayaa daba-yaaqadii sannadkii la soo dhaafaay ay ciidamada nabadsugidda dowladda Somalia kasoo qabteen guri ku yaala degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

 

Hargeysa Online.