Miton Keynes oo noqonayso magaaladii sadexaad ee UK .
Posted by ifraax on April 06 2015 22:03:59

Milton Keynes City oo cagta saartay wadadii ictiraafka Jamhuuriyada Somaliland kadib markii Gudida Ictiraafraadiska milton keynes ay kasoo hooyeen.


Extended News

Milton Keynes City oo cagta saartay wadadii ictiraafka Jamhuuriyada Somaliland kadib markii Gudida Ictiraafraadiska milton keynes ay kasoo hooyeen goolo wax ka oola ka dib markii ay mudo ku hawlanaayeen sidii ay ugu qancin laahaayee Milton keynes Council in ay noqdaan Caasimadii ama magaaladii sedexaad ee wadanka UK ee ictiraafta madaxbanaanida S/land.

 

Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa kadhacay Magaalada milton keynes xaflad balaadhan oo laysku arkay xafladaa sida wayn loosoo agaa simay oo ay ku kulmeen Gudida ictraafraadinta qadayada S/Land oo hogaaminayay Mudane Ismail Odowaa iyo gudi ka socotay Milton Keynes Coucil iyo hayadaha madaxam banaan ee Magalada MK oo uu hogaaminaayay Maayirka Magaalada ayaa waxa lagaga arinsaday arimo badan oo waxku oola.

Mudane Abdi Aamusane oo ahaa afhayeenka gudida ictraafraadinta S/land ayaa ku nuuxnuuxsaday ugana mahad celiyey sidii quruxda badnayd ee Milton Council ugala qaybqaateen hawshan intii ay soo socotay khaas ahaan maayirka caasimada oo isagu ku sugnaa goobtaa iyada ah.

Mudane Abdi Aamusane ayaa soo guudmary taariikhda iyo saaxiibtinimada dheer ee ay leeyihiin labada dal waxaanu halkaa ka cadeeyey gudi ahaan iyo dal ahaanba in aad iyo aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ee Milton Keynes Council udaadihaynayo hawshan uguna qanacsanyahay in ay noqdaan Counilkii sedaxaad ee ictraafa S/land.

Waxaa iyana halkaa kasoo jeediyay ereyo lama ilaawaam Miss Judith oo sheegtay aqoonta ay iyadu u leedahay Dawlada Somliland iyo Dadkeeda, waxa aanay goobtaa ka cadaysay in ay ahayd in ay aduunyado ictriaafto S/lad xili hore marka loo eego nabad galyada iyo hore marka ay gaadheen oo ah mid aan caalamku in dhaha ka qarsan karin intaa in ka badan waxayna cadaysay in ay aad iyo aad ugu farax santahay hawshan aaminsatahayna in ay gudida councilka ku dhawaaqi doonto ictiraafka wakhti dhaw.

Waxa kale oo xafladaa ka hadlay xubno ka tirsan Gudida Ictiraafraadiska S/land oo ay ka mid ahaayeen Mudane Mukhtar SH Cisman Nuur, Mohamoud Aadan Dahir, Mohamoud Aamusane, Ismail Foodcade iyo Marwo Farhia S/land.

Waxa kale oo iyana khudbaddheer halkaa ka jeediyay Mr. Mark Lawrence oo ku habalyeey gudida ictraafraadinta S/alnd hawsha ay qabteen iyo dadaalka ay ugu jiraan dalkooda iyo community cadeeyeyna in ay sharaf utahy MIlton Keynes in ay noqoto councilkii sedexaad ee ictiraafa dalka S/land kadib marka la eego waxa ay qabsadeen.

Gabagabadii ayaa mikirifoonka waxa laweeragar Maayirka magaalada milton keynes oo u mahad celeyay gudida iyo dadkii ka soo qaygaly xaflada oo dhan. Maayarku waxa uu si mugleh u xusay taariikhda somaliland iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee dhexeeyey somaliland iyo uk isaga oo qeexay sida degdeg ah ee ay u kobocay somaliland una hambalyeeyey waxa uu kale oo ku tirrabay ama hadal kiisa sii raaciyey waxa ay ahayd marka loo eego waxa ay qabsatay Jamhuuriyada S/land in ay ka hesho aduunka ictiraafbuuxa wahkti hore, waxa kale oo uu hadalkiisii ku daray Milto Kyenes Council ahaan waxay noo tahay sharaf in aanu noqo counilkii sedexaad ee ictiraafa S/land waxaanaan balan qaadaynaa in aanu idinkala shaqaynayno hawshaa ilaa halka u danbaysa, waxa kale oo uu cadeeyey in uu xafiiskiisu soo casumidoono madax katimaada Jamhuuriyada S/land si ay ugal qabqaataan hawshan iyo arimo kale oo dan u ah labada wadan.

waxa kale oo uu bogaadin iyo dhiirigalin siiyay gudidii ictraafraadinta s/land ee miton keynes ee uu hogaaminaayey Mudane Ismail Odowaa waxaanu uga mahad celiyey sida quruxda badan ee ay uga shaqaynayaan hawshan.
Uga danbayntii waxaa xaflada soo xidhay gudoomiyaha gudida Mudane Ismail Odowaa mahadnaqna u jeediyay dhamaan dakii ka soo qaybgalay.
Guul iyo Gobonimo