Askari ka tirsan ciidanka Milatariga Somaliland oo Toogtay Askari ay isku Xero ahaayeen.
Posted by ifraax on April 06 2015 22:35:02

Askari ka tirsan ciidamada Militariga Somaliland ayaa ku dilay duleedka magaalada Laascaanood ee Gambadha hal askari.


Extended News

Askari ka tirsan ciidamada Militariga Somaliland ayaa ku dilay duleedka magaalada Laascaanood ee Gambadha hal askari, halka askari kalena uu ku dhaawacmay kaddib markii khilaaf uu soo dhex-galay.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhacdadan soo noqnoqonaysa eek a dhac dhacda xerooyinka ciidanka dhexdoodda.

“Waa geeri aad u fool xun in dadkii u joogay difaaca Qaranka ayna inaga hor-joogsadaan cid kasta oo kusoo xad gudbaysa Somaliland inay iyagii isku soo hoos noqdaan waxaas isku quudhaan, waa dadka dadka iska xiga ee xataa kuwii la dhashay iska jecel, waa Nasiib darro, waa Caado aan jiri jirin oo cusub in dadkii difaaca kuwada jiray ay isku soo guda noqdaan” ayuu yidhi Wasiir Caddami oo ka hadlayey dhimashadda askari ka tirsan ciidanka gobolka Sool oo askari ka mid ahi ku dilay halkaasi.

Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri. “Aad iyo aad baanu uga xunnahay cid kasta oo falkaasi xun ku waxyeelowday oo iyadoo aan cadow shisheeye soo weerarin saaxiibkiisii la jiifay ee nafta iyo noloshaba la qaybsanayay uu soo weeraray”

Wasiirka ayaaa sheegay in maxkamadda ciidanka u dirayaan goobta shilkani ka dhacay, isla markaana talaabo adag laga qaadi doonnno, waxaanu yiri. “Waxaanu caddaynaynaa in lagu jiro abaabulkii sidii Maxkamadda Ciidamada qaranku u bixi lahayd ee u tagi lahayd goobihii dhacdooyinkaas foosha xun lihi ka dhaceen oo ay dacwadda halkaas ku qaado, oo ay Qisaastu halkaas ku fusho, oo aanay noqon wixii isdaba jooga ahaa ee gacmaha hoosta la iskaga dhiibayay toona jirin maadaama Ninkii Ciidanka qaranka ahaa cidii aamintay iyo ninkii la jirayba ku soo hoos noqday wax cafis iyo dib u dhigid ah oo halkaas ka iman karayaa ma jiro, halkaas ayay Maxakamaddu tagaysaa halkaas baana cidii falka gaysatay lagu abaalmarinayaa”.

Askari wax toogtay ayaa ka mid ahaa guutadda sideedaad ee Qaybta 12-aad ee ciidanka Militariga Somaliland ee fadhigoodu yahay tuulada Gambadha ee duuladda magaaladda Laascaanood.

Si kata ha ahaatee, dilalka toogashadda ayaa ku soo badanaya Somaliland, isla markaana inta badan aan lagu fulin xukunada dilalka ee lagu xukumo dadka gacan ku dhiigleyaasha ah ee dambigaasi lagu helay, dadka intooda badani waxay aaminsan yihiin inay dilalkaasi badaniyaan fulin la’aanta xukunadda dilka ah, iyadoo jeelasha lagu hayo uun dad gacan ku dhiiglayaal ah.

Hargeysa Online.