Somaliland oo Saakay looga dareeray Oalololaha Maalinta Guud ee Nadaafadda.
Posted by abdi on April 07 2015 20:01:53

Waxa saaka Hiirtii waaberi ka bilaabmay goboladda iyo degmooyinka Somaliland olole nadaafadeed oo heer qaran ah.


Extended News

Waxa saaka Hiirtii waaberi ka bilaabmay goboladda iyo degmooyinka Somaliland olole nadaafadeed oo heer qaran ah, taasoo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo madaxda sare ee dalka.

Guddida heer qaran ee bilicdda magaalooyinka Somaliland ayaa bishan April toddobadeedda ku dhowaaqay in loo aqoonsaday maalinta nadaafadda magaalooyinka, isla markaana la nadiifin doono magaalooyinka Somaliland.

Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa iskugu soo baxay dadweynaha caasimadda oo ay hor kacayeen wasiiradda iyo maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo degmo kasta lagu qoray shaqaalaha wasaaradaha, isla markaana uu madaxweynuhu kormeer ku marayey xaafadaha kala duwan ee magaaladdaa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska ururiyo qashinka, isla markaana magaalooyinku noqdaan kuwo nadiif ah, waxaanu bulshadda ugu baaqay inay guryahoodda iyo agagaarkeedda iska nadiifiyaan.

nadaafada1.jpg

nadaafada2.jpg

nadaafada3.jpg

nadaafada4.jpg

nadaafada5.png

nadaafada6.jpg

nadaafada7.jpg

nadaafada8.jpg

nadaafada9.jpg


Madaxweynuhu waxa uu kormeer ku soo maray degmooyinka caasimada qaarkood, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Degmada Axmed dhagax, Degmada Maxamuud Haybe, Degmada gacan libaax, degmada 26-ka Juun iyo degmada Ibraahim Koodbuur.

“Maanta waxaa weeye maalintii nadaafadda waxaynu u tashannay Qaran ahaan inaynu maanta u qoondayno maalinta nadaafada oo aynu kuligeen kawada qeyb galno, sidii dalkan iyo dadkan nadaafadiisa aynu kor ugu qaadi lahayn, Magaalooyinkeenna iyo jidadkeenna weyn oo dhan, Ololahan nadaafaduna waa mid alnaafatu minal iimaan”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu mar kale yiri. “Aad bay muhiim inoogu tahay saaxada dadka nadaafadda iyo quruxda magaalooyinkeena, wax weyn bay ugu fadhidaa inaynu dad ahaan dawlad ahaan iyo shacbi ahaan iska kaashano in aynu nadaafada aad iyo aad kor ugu qaadno, taasoo aan ka socon gobolkan oo keliya ee ay ka socota dalkoo dhan maanta insha allaahu tacaalaa illaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo taana aynu marwalba meel uga soo wada jeesano”

Sidoo kale, wasiirada ayaa wasaarad walba lagu qoray degmo u gaar ah, isla markaana shaqaalahooddu iyo iyaguba ka qaybqaadanayeen, iyadoo jadwalka lagu shaqaynayo ay dajiyeen guddida bilicda iyo nadaafadda oo madaxweynuhu magacaabay.

Dhanka kale, degmooyinka iyo goboladda ayaa la sheegay inay iyaguna si wanaagsan u fuliyeen amarkan ah maalinta nadaafadda Somaliland, kuwaas oo ay iskugu soo baxeen qaybaha kala duwan ee buslahdda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa masuuliyiinta Dawladdu bulshada ku wacyi galinaysay sidii looga qayb qaadan lahaa Ololahan, waxaana baabuurta lagu soo xidhay sameecaddo waaweyn oo ay ku rakiban yihiin heeso guubaabo ah oo lagu wacyigalinayo inay dadku ka qaybqaataan nadaafadda iyo ololahan lagu xaqiijinayo in magaalooyinka lagu nadiifiyo.

 

 

Hargeysa Online