Qoxooti Somali ah oo kasoo Cararay Colaadaha Yemen oo gaaray Dekedda Boosaaso.
Posted by ifraax on April 11 2015 23:01:58

Dekeddda magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo gaaray shalay oo Jimco ahayd dooni siday Soomaali oo ka soo cararay colaadaha ka taagan dalka Yemen.


Extended News

Dekeddda magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo gaaray shalay oo Jimco ahayd dooni siday Soomaali oo ka soo cararay colaadaha ka taagan dalka Yemen, iyagoo noqonaya qaybtii 3-aad oo qoxooti kasoo cararay Yemen ah oo soo gaara Puntland.

Qoxootigan oo tiradoodu ahayd 260-qof oo isugu jiray dumar, rag, carruur iyo dad da’ah; iyadoo qaarkood lagu waday gawaarida loogu talo-galay inay ku socdaan curyaamiinta, halka qaarkood ay qabeen xanuuno kala duwan.

Maamullada gobolk Bari iyo kan Boosaaso, waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro, haween, saraakiil, xildhibaanno, wasiirro iyo xubno ka socday hay’adaha ka howlgala gobalka Bari ayaa dadkan kusoo dhaweeyay dekedda iyadoo la siiyay markiiba cunnooyin, biyo iyo daawo.

2015411635643363900217335img_7291.jpg

2015411635643364056003516img_7643.jpg

2015411635643364227651009img_7306.jpg

2015411635643364316553007img_7401.jpg

2015411635643364436007236img_7591.jpg

2015411635643364516571388img_7448.jpg

2015411635643364625006839img_7456.jpg

2015411635643364759814941img_7563.jpg

2015411635643364862263382img_7535.jpg

2015411635643364971859602img_7600.jpg

2015411635643365122409593img_7607.jpg

2015411635643365302843312img_7650.jpg

2015411635643365455125085img_76161.jpg

2015411635643365617509326img_7636.jpg



Dadkan qaar ka mid ah ayaa markiiba la dhigay xarumaha caafimaadka si looga daweeyo xanuunno ay qabeen, halka kuwo kale la dajiyay goobo loogo talo-galay in lasii dajiiyo qoxootiga in xerooyin rasmi ah looga sameynayo.

Haween ka mid ahaa dadka kasoo cararay dalka Yemen ee Boosaaso gaaray ayaa kusoo dhex-umulay doonida intii ay safarka kusoo jireen. Iyagoo doonidaan keentay Boosaaso kasoo raacay magaalada Mukallah ee Koonfurta dalka Yemen.

Duqa magaalada Boosaaso, Xasan Cabdalla Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Bosaso ayaa sheegay in doonidan ay ahayd dooni siday dadkii ugu badnaa ee ka soo carara dagaallada Yemen ka socda, isla markaana si loogu soo dhaweeyey magaalada si wanaagsan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, C/llaahi Xaashi (Qoob-deero) oo isna la hadlay saxaafadda ayaa xusay in Puntland ay horay u soo gaareen 420-qof oo Somali ah, kuwasoo kasoo cararay dalka Yemen, halka maanta ay qaabileen 260-qof, isla markaana kuwa kale la filayo inay soo gaaraan Boosaaso.

Gunaanadkii, Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaallanka Burcad-badeedda Puntland, C/llaahi Jaamac Saalax ayaa xusay inay ka go’an tahay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan qoxootiga soo gaaraya Puntland.

 

Hargeysa Online.