Sir la helay xukuumada kulmiye oo isu soo qaawisay xubnihii..
Posted by abdi on April 15 2015 10:37:08

Sir la helay xukuumada kulmiye oo isu soo qaawisay xubnihii iyo taageerayaashii xisbiyada mucaaradka ee wadani iyo ucid.

 


Extended News

Kulamo iyo Xidhiidho balaadhan oo in mudo ahba socday oo ay yeesheen Xubnaha ka Arimiya Madaxtooyada Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye ayay hoosta ka xariiqeen sidii ay baadi goob dheer ugu geli lahaayeen helida Taageerayaal badan iyo Curyaaminta Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid, iyagoo qorshahoodu yahay sidii ay xukunka wadanka iyo boobka hantida ee ay macaansadeen ugu sii negaan lahaayeen sanado badan oo soo socda. Kulamadaas oo aad xaas-xaasi u ahaa waxaa ka soo baxay arimahan hoos ku qoran: 1) In Xubin walba iyo Taageere walba oo kulmiye ahi baadi'goob u galo sidii uu u keeni lahaa 10 taageere cusub iyo in-ka badan si loogu guulaysto doorashada 2) In Xubin walba iyo Taageere kasta oo kulmiye ah lagu abaalmarin doono Tirada Taageerayaasha Cusub ee uu soo xer-geliyo 3) In Xubin walba ama Taageere kasta oo Kulmiye ahi Gor-gortan dhaqaale iyo Xil xukuumadeed ama Hayado madaxbanaan u balan qaado Xubnaha cusub ee uu soo xero gelinayo iyadoo loo eegayo miisaankooda siyaasadeed iyo kartidooda wax-qabad 4) In Xubin walba iyo Taageere kasta oo Kulmiye ahi bar-tilmaameedsado Xubnaha ugu firfircoon ee ka dhex muuqda Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid 5) In Xubin walba iyo Taageere kasta oo Kulmiye ahi Bar-tilmaameedsado Xubnaha Beeshiisa kaga jira Xisbiyada Waddani iyo Ucid kuna qanciyo inay Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye Xilal ka qaataan amaba Dhaqaale 6) In Xubin walba iyo Taageere walba oo Kulmiye ahi Bar-tilmaameedsado Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ku jira een la haybta ahayn Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid, iyagoo u balan-qaadaya Maskab iyo Maal 7) In Xubin walba iyo Taageere kasta oo Kulmiye ahi bar-tilmaameedsado xubnihii xilalka u soo qabtay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid balse Xilalkoodii iska casilay ama la eryey amaba la bedelay una balan-qaadaan Maskab siyaasadeed iyo Maal 8) In Xubin walba iyo Taageere kasta oo Kulmiye ahi bar-tilmaameedsado xubnaha ka soo jeeda Beelaha Darafyada iyo Beesha Gabooye ee ka tirsan Xisbiyada Waddani iyo Ucid loona balan-qaado Maskab iyo Maal 9) In Xubin walba iyo Taageere kasta oo Kulmiye ahi keeno Qaabkii ama Fekradii doorashada dib loogu riixi lahaa amaba doorashada loogu guulaysan lahaa iyadoo qofkii Fikrad fiican keena lagu abaal-marin doono Maskab iyo Maal 10) In Xubin walba iyo Taageere kasta oo Kulmiye ahi Bar-tilmaameedsado xubnaha uu Aqoonta ama Saaxiibka la yahay ee taageera Xisbiya Mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid iyagoo u balan-qaadaya Maska iyo Maal. 
Hadaba Xubnihii iyo Taageerayaashii Kulmiye iyagoo fulinaya go'aankan ka soo baxay Madaxtooyada Kulmiye ayay ku dhaqaaqeen inay kala horor-sadaan Xubnihii iyo Taageerayaashii Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid, waxayna Dariiq-walba iyo Makhaaxi kasta la hor-istaageen Maskab iyo Maal markiiba ka soo horeeya iyagoo xubnahan ay bar-tilmaameedsadeen u sheegaya in fariinta laga soo faray Guriga Madaxtooyada ee Dalka looga arimiyo, kuna kalsooni gelinaya in xataa Magaciisa laga yaqaano Gudaha Madatooyada taas oo ah Been aan Sal iyo Raad-toona lahay. Arimahan aan Daboolka ka qaadayi waa kuwa keenay safarkii Xirsi ee UK iyo Wareega Muuse biixi iyo inta la socota ee gor-gortanka iyo baryada la wareegaya gobolada iyo degmooyinka dalka, sidoo kale waa ta keentay in 7 (todoba) Xubnood oon is-ogayni oo Kulmiye wada ahi Aniga iyo Saaxiibadayba nagu soo qaadeen weerar Cir iyo Dhul ah iyagoo ii balan-qaadayey Maskabyo iyo Maal kal du-duwan oo mid la mid ah kan kale uusan jirin iyo Maalba. Waxaa kaloon in-dhahayga ku arkay Xubno badan oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid oo iyagana sidaydan oo kale dhowr-meelood laga soo weeraray. 
Xogtan oo ah mid dhab ah oo Xaqiiqada ku salaysani waxay muujinaysaa sida nimanka Xaq-darada ku dibiray ay ugu qaadan la yihiin in dadkii ka kala yaacay kadib markay ku fashilmeen Maamulkii dalka iyo siday weli ugu hamuun-qabaan inay dhiiga muwaadaniinta sii miirtaan, dalkana u sii kala qoqobaan Gobol-gobol, Degmo-Degmo, Tuulo-Tuulo iyo Beel-Beel. 
Dardaaran: Xiligani waa Xiliga Qof sharaf lahaa Sharaftu ka dhacdo (isa-soo Qaawi si maskab iyo Maal laguu siiyo); Xiligani waa xiliga ay kala miirmaan Shakhsiga wanaagsan iyo kan Xumi; Waa xili Hunguri doonku run u moodo dhalanteedka iyo Balan-qaadyada Beenta ah ee loo sheegayo; Waa Xiliga qofka aan Muwaadinka ahayni Maskab iyo Maal ka doono Xukuumad wakhtigeedii iyo Gabalkeediiba Dumay. Dar-daarankaygu waa FULOW GUULI KUU DHOWEYDAA. Waxaan Shacabka Somaliland ee Sharafta badan, is-bedel doonkana ah ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan Dadkan Maskabka iyo Maalka aan Afka dhaafsiisnayn la wareegaya, ha la du-qaato, isku duubnina ha la muujiyo maalmo kooban baa guushii inaga xiga. Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha wada-tashigana waxaana ugu baaqayaa inay Shacabka iyo  Taageerayaashoodaba wacyi-geliyaan kana ilaaliyaan Waraabayaasha, Yeeyda iyo Hororadan duulaanka ku ah. 
Illahay baa mahad oo dhan leh Salaamad Alle ha idin yeelo,

Qasim Adan Saleebaan Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub kasslmn@aol.com +44 (0) 7572609561 London