John Kerry oo Muqdisho kula kulmay Madaxda dowladda Somalia.
Posted by abdi on May 06 2015 11:06:15

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry iyo wafdi uu hoggaaminayo oo duhurnimadii maanta soo gaaray Muqdisho,


Extended News
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry iyo wafdi uu hoggaaminayo oo duhurnimadii maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo RW-ha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isagoo intaas kaddibna la kulmay madaxda maamullada gobollada dalka.

 

Kulankii uu John Kerry la yeeshay madaxweyne Somalia Xasan Sheekh iyo RW Cumar oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa looga hadlay sidii ay Mareykanku uga caawin lahaayeen Somalia amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda Somalia.

Sidoo kale, Kerry ayaa kulammo la qaatay hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada dalka, oo ay ka mid ahaayeen; C/weli Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo kala hadlay amniga iyo sidii horumarin loo gaarsiin lahaa maamullada dalka ka jira.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan Soomaaliya imaado, Soomaaliyana horumar ayaan u rajeynaynaa inay mustaqbalka dhow gaarto,” ayuu yiri Kerry oo ka hadlayay booqashadiisa Somalia.

Xoghayaha arrimaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka oo sidoo kale kulamo la qaatay xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka Somalia, isagoo intaas kaddib xusay inaysan ka jeesan doonin Somalia illaa inta Al-shabaab dalka oo dhan laga ciribtirayo.

 

Wuxuu kaloo John Kerry sheegay in safaaraddii Mareykanka uu Muqdisho ku lahaa ay dib u furi doonaan, si xiriirka Somalia iyo Mareykanka loo xoojiyo, ayna taageero joogto ah siin doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

John Kerry ayaa kulammada uu la qaatay madaxda Somalia ayaa ahaa kuwo ay albaabbadu u xirnaayeen, iyadoo markii uu kulammada madaxda Somalia dhamesytay ayuu la kulmay saraakiisha AMISOM, isagoo uga mahad-celiyay howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan iyo dagaalladii ay Al-shabaab kaga saareen deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Dhanka kale, warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in John Kerry uu kala hadlay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamullada gobollada waddanka, isagoo kala hadlay iskaashiga amniga iyo sidii looga dhabeyn lahaa in Somalia ay doorasho ka dhacdo sanadka 2016-ka, wuxuuna ugu dambeyn sheegay inay Soomaaliya ka caawin doonaan in Somalia la gaarsiiyo dimuqraadiyad.

Mr Kerry ayaa noqonaya wasiir arrimo dibadeed Mareykan ah oo Somalia yimaada, sidoo kale wuxuu noqonayaa mas'uulkii labaad ee ugu sarreeyay oo Soomaaliya yimaado tan iyo markii ay Soomaaliya gashay colaadaha sokeeye, iyadoo uu Soomaaliya booqsho ku yimid madaxweynihii hore ee Mareykanka, George Bush oo sannadihii sagaashameeyadii yimid Somalia xilli ay abaaro daran ka jireen.

Illaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ay dowladda Somalia kasoo saartay booqashadii taariikhiga ahayd ee John Kerry uu ku yimid Muqdisho iyo weliba wixii ay kawada hadleen madaxda Somalia iyo kuwa maamullada dalka ka jira.

Ugu dambeyn, John Kerry ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sugnaa dalka muddo saacado ah, waxayna ka mid tahay booqashada Kerry uu Muqdisho ku yimid booqashooyin uu ku marayay Waddamada Kenya iyo Jabuuti.

Hargeysa Online