Soomaalida UK oo danjiraha K/Afrika ee UK kala Hadlay Dhibaatada lagu hayo Somalida K/Afrika
Posted by abdi on May 06 2015 21:16:38

Mudaahraad ka dhan ah dhibaatada Soomaalida loogu geysnayo dalka Koonfur Afrika oo Sabtidii toddobaadkan ka dhacay magaaladda London ee dalka Britain.


Extended News

Mudaahraad ka dhan ah dhibaatada Soomaalida loogu geysnayo dalka Koonfur Afrika oo Sabtidii toddobaadkan ka dhacay magaaladda London ee dalka Britain, ayna ka qaybgaleen Qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool UK oo magaalooyin kala duwan isaga yimid; ayaa waxaan shalay kulan yeeshay safiirka dalka Koonfur Afrika u fadhiya Britain, Obed Mlaba Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Ingiriiska.

 


Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa u gudbiyay danjiraha cabashadooda ku aaddan walaaca ay ka qabaan dilalka, boobka iyo isir-nacaybka joogtada noqday ee lagu hayo Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika.

Bulshada Qurbo-joogta ah ee la kulantay danjiraha Koonfur Afrika ayaa si cad ugu sheegay in falalka ay geysanayaan muwadiniinta dalkiisa ay yihiin dambiyo ka dhan ah xaquuqul insaanka, isla markaasna ay ka tahay mid ka daran cadaalalad-daradii lagu hayay shacabka Koonfur Afrika xilligii midab-kala-sooca uu dalkaas ka jiray.

Sidoo kale, Qurbo-joogta ayaa ayaa u sheegay safiirka in xilligaa ay shacabka Soomaaliyeed ka mid ahayeen kuwii garab-istaagay qadiyadda ay reer Koonfur Afrika ugu dagaalamayeen xorriyaddooda; iyadoo safiirku uu ka garaabay arrintaas.

Danjiraha ayaa caddeeyay inuu dowladdiisa u gudbin doono cabashada ka timid Qurba-joogta Soomaaliyeed si wax looga qabto dhibaatada dadka Soomaaliyeed ee ku gacansada dalkiisa lagu hayo.

Ugu dambeyn, guddi ay iska xuleen xubnaha kulanka la qaatay safiirka ayaa si adag uga codsaday xukuumadda Koonfur Afrika inay wax ka qabato falal-dambiyeedyada soo noq-noday; iyagoo ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay la timaado qorshe cad oo looga hortagayo dhibaateynta Soomaalida ku nool dalkeeda loo geysanayo.

Gaba-gabadii Qurbo-joogta Soomaaliyeed waxay codsadeen in kuwa falalka dhibaatooyinka u geysanaya Soomaalida iyo ajaanibta kale sharciga la hor-keeno, waxaa kaloo ka mid ahaa qodobada ay ku booriyeen danjiraha inay dowladdiisu mag-dhaw siiyo dhibanayaasha la boobay hantidooda iyo kuwa kale ee la dhibaateeyay.

Safiirka dowladda Koonfur Afrika u fadhiya dalka Britain ayaa sheegay inuu arrimahaas oo dhan kula noqon doono dalkiisa, uuna madaxda sare ee dalka Koonfur Afrika hor-dhigi doono si ay uga jawaabaan cabashooyinkan.

Hargeysa Online