Puntland oo Ciidankii Ugu Badnaa uu Soo Dirtay Degaanka Tukaraq ee Gobolka SOOL.
Posted by abdi on May 06 2015 22:07:07

Ciidan hubaysan oo ka tirsan kuwa Maamul Gobolleedka Puntland ayaa shalay gelinkii hore la keenay deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ee Somaliland.


Extended News

Ciidan hubaysan oo ka tirsan kuwa Maamul Gobolleedka Puntland ayaa shalay gelinkii hore la keenay deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ee Somaliland
 halkaasi oo doraad ciidamada Qaranka Somaliland ka saareen Maleeshiyaad

kooxda Khaatumo ah Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Puntland, Muxyadiin Axmed Muuse iyo Cabdi

Yare ayaa saxaafadda u sheegay inay u socdaan sidii Somaliland looga ilaalin lahaa dhulka Puntland, wuxuna Muxyadiin sheegay inay u taagan yihiin la dagalanka Cadowga sida Al-Shabaab iyo cid kasta oo buu yidhi dhulka Maamulka Punland sheeganayo faro-gelisa.isagoo u jeeda Somaliland.
Ciidankan oo aad u hubaysan ayaa ka mid noqonaya ciidamo horay u gaadhay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool,

 

img_6847.jpg

img_6842.jpg

img_6871.jpg

imgbjjbb.jpg

waxayna masuuliyiin kale oo Garoowe kula hadlay Saxaafaddu sheegeen inay ka go’an tahay sidii la isaga

dhicin lahaa ciidamada Somaliland haddii ay mar danbe soo aadaan deegaannada Puntland, sida ay sheeganayaan

ama ku doodayaan.Ciidamo Somaliland ka socda ayaa doraad gaadhay Deegaanka Tukaraq, wallow ay dib ugu soo baxeen

markii ay ka caydhiyeen Maleeshiyaad kooxda Khaatumo ka tirsan oo la sheegay inay ku baadhan jireen gaadiidka

xamuulka iyo kuwo dadka Rakaabka ah qaada ee u kala goosha Sool iyo Garoowe.

laa hadda dawladda Somaliland kama hadal ciidamadan ka socda Puntland ee la soo dhoobayo deegaanka

Tukaraq ee gobolka Sool.


Hargeysa Online