Dawlada Maraykanka Oo Malaayiin Dollar Madaxooda Dul-dhigay Qaar ka Mid Ah Hogaamiyayaash Ururka Daacish.
Posted by abdi on May 06 2015 22:25:51

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay abaal marin lacageed oo gaareysa 20-milyan oo doollar cidii keenta macluumaadka afar ka tirsan Hogaamiyeyaasha.


Extended News

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay abaal marin lacageed oo gaareysa 20-milyan oo doollar cidii keenta macluumaadka afar ka tirsan Hogaamiyeyaasha dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya. 

 

 

Afartan hogaamiye oo lagu kala magacaabo Abd al-Rahman Mustafa al-Qaduli, Abu Mohammed al-Adnani, Tarkhan Tayumurazovich Batirashvili iyo Tariq Bin-al-Tahar Bin al Falih al-‘Awni al-Harzi.

Qaduli oo horay uga tirsanaa Al-Qaacidada Ciraaq ayaa la sheegay inuu hada yahay Sarkaal sare oo ka tirsan Daacish, waxaana madaxiisa la saaray 7-milyan oo dollar.

Sidoo kale waxaa min 5-milyan oo doollar madaxoosa la saaray Adnani iyo Batirashvii, halka Harzi isna saddex milyan la siinayo cidii keenta macluumaad sahleysa in la soo qabto ama la dilo.

Adnani ayaa la sheegay inuu yahay Afhayeenka IS, halka Batirashvili lagu tilmaamay Abaanduulaha dagaalada waqooyiga Suuriya, Harzi ayaa isna la sheegay inuu madax ka yahay qeybta Is qarxinta Daacish.

Hogaamiyeyaashan ayaa ku biiraya barnaamijka abaal marinta cadaaladda Mareykanka ee horay xubno badan oo Al-Qaacida ka tirsan uu Mareykanka lacago mallaayiin doollar madaxooda dul dhigay.

Talaadadii ayay aheyd markii Daacish ay sheegatay inay ka dambeysay weerarkii ka dhacay Gobolka Texas, markii labo nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay ku shirsanaayeen Kartuuniistayaal duleedka magaalada Dallas.

Hargeysa Online.