Madaxweynaha Somalia iyo Wufuud ka socda Kenya iyo Itoobiya oo Tagay Kismaayo.
Posted by abdi on May 07 2015 21:07:26

Wufuud ay kala hoggaminayaan madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirrada arrimaha dibadda Kenya iyo Itoobiya ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Kismaayo.


Extended News

Wufuud ay kala hoggaminayaan madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirrada arrimaha dibadda Kenya iyo Itoobiya ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Xasan Sheekh, Aamina Maxamed iyo Tedros Adhanom ayaa u tagay Kismaayo sidii ay uga qaybgeli lahaayeen caleemo-saarka guddoonka golaha baarlamaanka maamulka Jubbaland ee dhawaan la dhisay.

Wufuuddan kala duwan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamul-kaas, Sheekh Axmed Madoobe.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay; iyadoo lagu soo rogay xayiraad qaar ka mid ah dhaqdhaqaqqyadii waddooyinka gudaha Kismaayo mara, halkasoo lagu arkayo ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa maamulka iyo AMISOM.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar Cameey oo maalin ka hor gaaray halkaas, isagoo sheegay inuu u tagay Kismaayo ka qayb-galka caleemo-saarka guddoonka baarlamaanka Jubbaland.

Si kasta ha ahaatee, dhawaan ayaa la dhisay baarlamaanka Jubbaland, kaas oo ka kooban 75-xubnood oo qaarkood ay haween yihiin, inkastoo ay jirtay in beelaha qaarkood ay ka cowdeen xulista xubnaha baarlamaankaas.

Hargeysa Online