Gollaha Guurtida oo Sheegay in Doorashadu Dhacayso November 15/ 2016-ka.
Posted by abdi on May 09 2015 19:34:18

Gollaha Guurtida ee Somaliland ayaa Sheegay in Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Waddani Ucid iyo Kulmiye ay ku heshiiyeen In Doorashadu Qabsoonto Bisha Novemeber 2016.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Gollaha Guurtida ee Somaliland ayaa Sheegay in Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Waddani Ucid iyo Kulmiye ay ku heshiiyeen In Doorashadu Qabsoonto Bisha Novemeber 2016 Isla Markaan Wakhtigii Sannadka ee Komsihanka Doorashooyinku Hore u soo Kordiyeen ku dareen Shan Billood iyo Shan iyo Toban Cisho.

 

Guurtida ayaa Soo Bandhigay Qoraal ay sheegen in Xisbiyadu ku heshiyeen, Waxa Soo dhaweyey Wakhtigaasi cusub ee Guurtidu soo bandhigay Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye oo ay u kala Hadleen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Balse Xisbiga Waddani ayaa ku Gacan saydhay Go’aankaasi isla markaana Ganafka ku dhuftay Mudadaasi Cusub ee ay Guurtidu ku dhawaaqay ee ay u kordhisay Xukumadu.

Hargeysa Online