An Dabbaaldegno 18 May isla Markaana an Xisaabtanno.
Posted by ifraax on May 12 2015 08:56:29

In ku dhow 5 malyuun oo qof ayaa isu diyaarinaya dabaaldegga dalka gudihiisa ka dhici doona iayaga oo u diyaar ah iney muujiyaan taageerada ay u hayaan dalkooda iyo dawladooda. 


Extended News

Qeybtii 1 aad: Dalkeena Nimcaa Fadhida, Balse Inagama Dhexeyso!
In ku dhow 5 malyuun oo qof ayaa isu diyaarinaya dabaaldegga dalka gudihiisa ka dhici doona iayaga oo u diyaar ah iney muujiyaan taageerada ay u hayaan dalkooda iyo dawladooda. Malyuun kale ayaa xamaasad ku soo dhaweeynaya 18 May oo ka debaaldegaya wadamo badan oo qorbaha ah. Debaaldegaa iyo xamaasadaasi waa iney leedahay itijaah iyo meel ay u socoto ooney noqon uun saar an iska tuno sanadkiiba mar. Waa hubaal in dabaaldeggu farxad soo kordhiyo, waana hubaal inu yahay cabiraadda dareenka umadda, balse waa iney leedahay wax intaa ka badan oo loo socdo.
Ka waran haduu soo baxo go'aan odhanaya gobolka togdheer warshad leydh lagama dhisi karo. Jaamacad lagama dhisi karo. Ceelal biyo oo ay magaalooyinku ka cabbaan looma qodi karo. Garoon diyaaradeed lagama dhisi karo, diyaaradna ma soo fadhiisan karto. Dadka gobolka degeni dawladda uuma shaqeyn karaan oo mushaharna ma qaadan karaan. Ka warran haddii intaa loo raaciyo qof gobolka togdheer ku nooli Wasiir ma noqon karo, xildhibaan looma soo dooran karo, madaxweyne isuma soo sharxi karo. Haddii intaasi dhacdo oo ay run noqoto, maxay dadka gobolkaasi ku nooli yeeli lahaayeen? waxan hubaa inaan gobolkaasi sida uu u dhanyahayba aan cidi ku hadheen ee hal maalin lagaga qixi lahaa ama waxa dhici laheyd in dadka gobolka togdheer ku nooli ay hubka qaadan lahaayeen oo ay dagaalami lahaayeen si ay xaqooda u helaan. Bal ka warran haddii uu iminkaba jiro gobol sidaasi ku dhacday oo intaa an sheegey iyo in kabadani heysato oo ay runna tahay? Bal hadana ka sii warran haddii uu gobolkaasi yahay gobolka uugu dadka badan dalkeena?
Reer miyigu waxa ay ku noolyihiin dhulka uugu ballaadhan dalkeena. Shilin dawladda ka soo baxaa ma galo reer miyiga, wax yar oo aan macno badan laheyn mooyee. Qof reer miyi ihi dawladda mushahar kama qaato. Hey'ad samafal oo qof reer miyi ihi ka shaqeeyaa dalka ma joogto. Warshad leydh uuma dhisna oo guryahooda leydh uuguma jiro. Jaamacado caruurtoodu dhigato looma dhisin, sidaasooy tahay dhibaatooyinka kale oo dhanna wey kula wadaagaan. Waxa intaa sii dheer, qorshaha inooguma jirto in arimahaa an sheegey iyo qaar badan oo kale oo la mid loo sameeyo. 
Distoorkeenu wuxu sheegayaa inaan caruurta reer miyigu jaamacad iyo dugsi sare toona gelin, ileyn haddii kale waa loo dhisi lahaaye. Waxa kale ee uu sheegayaa inaan shakhsi reer miyi ihi wasiir noqon karin, inaan qof reer miyi ah loo dooran karin baarlamaanka, inaan qof reer miyi ah safiir laga dhigi karin, inaan qof reer miyi ihi dhakhtar seexan karin, inaan qof reer miyi ihi biyo qasabadeed cabbi karin. Ka darane, marka la yidhaa qof reer miyi ihi dawladda mushahar kama qaadan karo, ama hey'adahan mushahaarooyinka wanaagsan bixiya kama.shaqeyn karo ama xawaaladaha iyo shirkadaha tilifoonada kama shaqeyn karo, miyaaney aheyn  cadaalada daro laga galay dhan oo dalka kula leh!
Waxa laga yaabaa inad hoosta ka leedahay malaha waxani distoorka kuma yaalaan. Hadaaney waxani distoor aheyn maa loo sameeyo. Intaa an sheegey iyo in kabadan oo kale reer miyigu ma heystaan, qorshahana kuma jirto in loo sameeyo. Dawladnimadii ay aheyd in la wada lahaado, waxa isleekeysiistey reer magaal keliya, oo aan waxba ka tixgelin reer miyigii. Xildhibaan waxa noqon kara oo keliya qof shahaadadda dugsi sare sita iyo wax ka sareeya.In ka badan 80%  dadkeena ma heystaan shahaadadda dugsiga sare. Wasiir inta badan waxa noqon kara uun qof jaamacad ka soo baxay – maba jiro qof reer miyi ah oo heytaa shahaado jaamacadeed. Iska daa jaamacad oo, haddii aanad dugsi sareba u dhisin, ooney caruurtoodu wax baranba, sideed uuga dhigi kartaa sharci qabta. Haddii ad odhan laheyd waxba garan maayaan reer miyigu oo waxa talada u go'aaminaya inta magaalada joogta, isweydii oo yaa hadaa noloshooda iyo reerahooda u maamula. Yaa ceelasha biyaha u qoda, yaa guryaha u dhisa, yaa xoolaha u raaca, yaa isu guuriya, yaa garta u qaada, yaa salaadda u tukada, oo yaa u sooma. 
Distoor iyo xeer dhowr qof oo magaalada joogaa sameysteen ayeynu maalin kasta laabta u garaaceynaa. Kolba waxa an soo sawireynaa daaro dhaadheer, markaasaa la odhanayaa "Dalkeena Nimcaa Fadhida". Waa dhab balse nimcadu inaga dhexeso. Nimcada dad ayaa iska leh, adna waa daawaneysaa, reermiyigu se, nimcadaa waxna kuma laha mana daawadaan oo maba arkaan. Dawladnimadu waa inta ka dhexeysa dadka. Wixii gaar loo kala leeyahay dawladnimada ma galaan. Waxba mey ahaateen haddii reer magaalkan dawladnimada boobey ay si xaq ku jiro  u maamuli lahaayeen ummadda. Xildhibaankii iyo wasiirkii laga soo taageerey 38ka tuulo ee gobolka daadmadheed, gurigiisa uunbaabu gobolkii dhamaa ka dhex sameystey. Mafrash afarta ay isku reerka yihiin ee soo gaadhi kara iyo afar kale oo ay siyaasadda isku xulafo ku yihiin uunbaaba mashrash wada fadhiista. Daad madheedhka laguu sheegayaba isaga caqligiisa waa mashrashkiisa. Wey yartahay wax qabad kale oo uu u taro dadkiisii dhulka laga soo taageerey uu kaga yimid. Gar-adag aya shir  lagu qabtey mooyee, arki meysid xubin Guurti ah ama xildhibaan ah oo u doodaya Gar-adag oo odhanay ceelal ha loo qodo. Isagaba Hargeisa iyo murankeeda ayaa u Gar-adag ah. Gar-adagba waxa uugu danbeysey doorashadii hore, waxaana uugu xigi doonta doorashada danbe.
Haddii si xaq ku jiro daka reer miyiga ah wax loo weydiin lahaa oo la odhan lahaa sideen isu maamulnaa oo an wax u wada yeelanaa, u maleyn maayo iney shahaadad iyo dugsi toona soo hadal qaadi lahaayeen. Dugsiga la sheegayo iyagu meel dhaxanta lagaga gabado ayay u heystaan. Waxa hubaal ah iney keeni lahaayeen ra'yi iyaga khuseeya oo noloshooda iyo xoolahooda anfaca. Balse yaa ku simey!
Sidaasooy tahay, reer miyigu ma cabanayaan, dawladdana khatar kuma ah. Haddii laga tegi waayo, waabey ku faanayaan oo wey ku faraxsanyihiin. Farxaddu kama aha iney iyaga wax u kordheen, balse waxa ay ku faraxsanyihiin in tolkoodii magaalada joogey wax u kordheen oo ay dawlad noqdeen. Waa arin aan laga heli karin cid kale reer miyiga mooyee.
Waa muhiim in 18ka May ay ka gar baxdo reer miyiga. Sida ay u muuqato, in loo garaabo mooyee wax ay ku qancaan reer magaalku uuma sheegi karaan. Haddiiba la yidhaa wixii dhacay dhace ee iminka uun an is daba qabanno, waa muhiim in dawladda reer magaalku sameystey ay dejiso barnaamij reer miyiga wax u taraya. Sideedaba dawladnimadu waxa ay u dhisantahay inta taagta daran. Qofkii dhaqaale heystaa wixii uu rabo wey u hirgelayaan. Qofkii awood magaalo heystana wey u hirgelayaan. Kii miskiinka ah sida reer miyiga weeye ka dawladnimada u baahan, waana ka ay tahay in dawladnimadu mudnaanta koowaad siiso.