Xisbiga WADANI oo mar labaad codsaday dibad-bax iyo Xukuumadda oo diidey.
Posted by ifraax on May 12 2015 23:22:00

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa mar kale wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ka dalbaday in loo fasaxo mudaharaad nabadeed inay qabtaan si ay u muujiyaan dareenkooda ka dhanka ah muddo kordhinta Xukuumadda.


Extended News

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa mar kale wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ka dalbaday in loo fasaxo mudaharaad nabadeed inay qabtaan si ay u muujiyaan dareenkooda ka dhanka ah muddo kordhinta Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.


Xisbiga oo hore u codsaday mudaaharaad ayaa Wasarada guduhu ku gacan-sayrtay, iyadoo markii labaad codsiga xisbiga WADANI  loo diiday inuu wax dibadbax ah ka dhigo dalka.

Qoraalkan codsiga ah ee xisbiga WADDANI ku dalbanayay in loo ogolaado in mudaharaad salmi qabtaan kaasoo u Qoraan sidaan; “Anagoo ka Duulayna xaqa dastuuriga ah ee u Ogolaanaya Muwaadiniinta Isu-soo-bax salmi ah oo aanu ku muujinayna mawqifkayaga iyo diidmadaya Xisbiga WADDANI kaga soo horjeedo muddo kordhinta ka baxsan wixii lagu heshiiyay ee ahaa wakhtigii Komishanka ka soo baxay.

Sidaas darteed, Xisbiga Waddani isagoo ka duulaya dastuurka qaranka qodobkiisa 32-aad farqadihiisa 2-aad iyo 3-aad Ogolaanaya in Muwaadiniintu sameeyaan Muddaharaad Salmi ah, waxaanu ku wargalinaynaa wasaaradda arrimaha gudaha inaanu samaynayno mudaharaad salmi ah oo ka dhici doona guud ahaan Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inaad ka gudan doontaan waajibaadkiina oo ah ilaalinta amaanka isu soo baxayaasha”ayaa lagu yidhi qoraalka xisbiga WADANI ka soo baxay oo uu kusaxeexan yahay gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed.

Haseyeeshee markiiba wax aka soo jawaabtay wasaaradda Arrimaha gudaha oo sheegtay in aan cidna loo ogolayn wax mudaharaad ah, iyadoo ku sababaysay in dadku u bislayn isku soo bax taas oo khatargalin karta guud ahaan dalka.

Qoraalka Wasaaarada Arrimaha Gudaha kasoo baxay oo uu ku Saxiixnaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Cali Waran Cadde ayaa qornaa sidan:”Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12th May2015.

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani eek u taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Samli ah taasi oo warqadaasi noo soo Gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad Qabashada warqadda.

Haddaba Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuur gashay qoraalka warqadaasi, isla markaana daristay Qawaaniinta iyo xeerarka Dalka u yaala ee khuseeya arrintan, waxay diiday codsiga warqada xisbiga Wadani, kuna sababaysay sidan tan:

1. Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga
2.Iyada oo la eegayo xaalada hada dalku ku jiro oo ah u diyaar garawga maalintii la soo noqoshada xoriyada 18 may.
3.Iyada oo ay cadaw badani inoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida Dalka.
4.Iyada oo aanay xisbiga Wadani  qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yimaada .

Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhamaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud xasiloonida dalka, ama xuquuqda qofka kale.

Iyadoo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara oo siyaasadeed lagaga fulinayo dalka.”.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu hore xisbiga WADANI ugu baaqay mudaharaad salmi ah, haseyeeshee, xukuumadda ayaa markiiba ka hortagtay, iyadoo inta badan dadkii abaa-bulayey la qabqabtay, inkastoo dad koobani mudaharaadkooda ku qabsadeen magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo Siddeed Sannadood Mucaarad ahaa, isla markaana hore ugu baaqi jiray mudaharaadyo sidan oo kale ah, ayaa wasiirkan arrimaha gudaha Cali Warancadde oo wakhtigaasi ahaaa xisbgii wadani mar walba is hor taagi jireen, isla markaana Waran Cadde ku faanaa mar walba in xisbigii barigaa mucaaradka ahaa ee kulmiye xoog ku muquunin jiray.

Wasiir Cali Waran Cadde ayaa inta badan lasoo shaqeeyay dhammaan Xukuumadihii kala duwanaa ee Somaliland soo maray, isago intooda wasiir kasoo noqday.

Hargeysa Online.Net