Bandhig Dhaqameed lagu Qabtay Turkiga oo ay Somalia Kaalimaha hore ka Gashay.
Posted by ifraax on May 12 2015 23:31:17

Bandhig dhaqameed ay si wadajir ah u soo wada qaban-qaabiyeen hay’adaha İHH & YÜDER ee Turkiga ayaa lagu qabtay todobaadkan magaalada Eskişehir oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga.


Extended News
Bandhig dhaqameed ay si wadajir ah u soo wada qaban-qaabiyeen hay’adaha İHH & YÜDER ee Turkiga ayaa lagu qabtay todobaadkan magaalada Eskişehir oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga, iyadoo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaalida.

Sideetan dowladood ayaa kusoo bandhigay munaasabadda dhaqamada ay leeyihiin, iyadoo ay ka mid ahaayeen dadka dhaqamadooda soo bandhigay ardayda iyo jaaliyadda Somalida ee dalka Turkiga ku nool.

Bandhigga ayaa waxaa ka qaybgalay madax ka socotay Xukuumadda Turkiga oo uu ugu horreeyay guddoomiyaha magaaldda Eskişehir, iyadoo sidoo kale ay kasoo qaybgaleen xillibaano iyo xubna ka socday xisbiga talada dalkaas haya ee AK PART.

Waxaa wacdaro ka dhigay bandhigga Ardaydii mataleysay Soomaaliya oo soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Somalia, waxaa ka mid ah waxyaabihii ay soo bandhigeen cayaarta dhaqanka ee Dhaantada loo yaqaano; iyadoo ay sidoo kale soo bandhigeen cunnooyinka Soomaalida ay caanka ku yihiin.

Arrinta farxada leh ayaa ah in barnaamijka lagu daah-furay ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida oo ay ka heleen dadkii kasoo qayb-galay bandhigga, iyadoo ay Somalia kaalinta koowaad ka gashay bandhigga.

Ugu dambeyn, barnaamijkan bandhig-dhaqameedka ah ayaa dalka Turkigu ku caan baxay sannadihii u dambeeyay, waxaa sidoo kale uu bandhiggan uu ka dhacay ilaa 35 magaalo oo ka mid ah Turkiga, iyadoo ay ka qaybgaateen arday ka kala soctay 200 oo dal oo ay kuwa Soomaaliyeed ka mid yihiin.

HargeysaOnline.Net