Xisbiga Wadani oo Cambaarayn dusha uga tuurey Xukuumada.
Posted by ifraax on May 15 2015 06:14:56

Anigoo ku hadlaya magaca Masuuliyiinta, Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani Yurub waxaan cambaarayn dusha uga ridaynaa Xukuumada Kulmiye.


Extended News

ISNIINTII MADOOBAYD: 
Anigoo ku hadlaya magaca Masuuliyiinta, Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani Yurub waxaan cambaarayn dusha uga ridaynaa Xukuumada Kulmiye iyo Golaha guurtida ee isu bahaystay burburinta Qaranimadii curdinka ahayd ee S/land. Falalkan ay xukuumada iyo Caadaqaatayaashu isku bahaysteen waxuu meel-kadhac ku yahay dhamaanba hiigsigii iyo himiladii guud ahaaba Jiritaanka S/land. 
Maalinta Bishuna tahay 11 May ee sanad-walba waxay ku suntanaan doontaa ISNIINTII MADOOBAYD, waxayna geli-doontaa taariikhda ma-guurtada ah ee Shacabka S/land marwalba Xasuusan doono, Manhajka Ardaydana lagu dari-doono. 
ISNIINTA MADOW, ma ahan maalin wax-yeeshay Xisbiyada mucaaradka ah oo qudha sida dadka qaarkood u malaynayaan balse waxaan Shaki ku jirin inay god-dheer ku riday Hanaankii Geedi-socodka Aqoonsi-uraadinta S/land, sidoo kalena ay Mugdi gelisay waxii loo soo halgamey ee dhiiga badani u daatay, hantida laxaadka lehna u burburtay. 
ISNIINTA MADOW waxay ku suntanaan doontaa Maalintii Golihii Guurtida ee dalka loogu abuuray inay Badbaadadiisa ka shaqeeyaan ay Gacantooda ku Burburiyeen Xeerkii iyo Sharcigii Dalkani dhigtay iyagoo dhaafsaday Qaad iyo Qayilaad maalmo ah. 
ISNIINTA MADOW waxay guud ahaan Aduunka iyo Daneeyayaasha S/landba tustay Aqoon-darada, Damiir-xumada iyo Garasho-la'aanta dadkan maanta Dalka u taliya, Waxayna shaki ka gelisay dhab-ahaan waxaynu doonaynaba. 
BAAQ: Waxaan ugu baaqayaa qofwalba oo dareen waddaninimo lihi inuu ka qayb-qaato banaanbaxyada aan joogsiga lahayn ee dalka ka bilaabmay, hormuudkana uu ka yahay Xisbiga Badbaadada Dalka ee WADDANI. 

 


Afhayeenka Yurub ee Xisbiga Waddani

 Qasim A Saleebaan kasslmn@aol.com