Al-shabaab oo Sheegtay inay Gacanta ku dhigeen Burburka Diyaarad ku dhacday Gobalka Bay
Posted by abdi on May 17 2015 21:24:31

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaanno Drones-ka.


Extended News

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaanno Drones-ka oo maanta ku dhacday deegaanka Ceel-bashiir oo ka tirsan Degmada Buur-hakaba.

 

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in Diyaaraddan ay gacanta ku dhigeen Qaar ka mid ah Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bay, iyadoo Wararku intaas raacinayaan in Diyaaradda uu gaaray Burbur Xooggan.

“Ciidamadeenna ayaa Gacanta ku dhigeen burburka diyaarad Drones-ka ah ee Mareykanku u adeegsado duqeymaha dalalka Islaamka,” ayuu yiri mid ka mid ah Sarkaal Al-shabaab ka tirsan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afkooda.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daray in deegaanka ay diyaaraddu ku dhacday ay isku hareereeyeen ciidamada Al-shabaab, iyadoo shacabka deegaanka ku nool loo diiday inay u soo dhawaadaan meesha ay ku dhacday diyaaradda.

Illaa hadda kama aysan hadlin Mareykanka diyaaradda Drones-ka ah ee la sheegay inay ku dhacday Duleedka Degmada Buurha-kaba ee Gobolka Bay, gaar ahaan Goob ay ka Taliso Xarakada Al-shabaab ee Somalia.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykanka ayaa duqeymo ay ka geysteen Deegaannada Koonfurta Somalia ee ay Al-shabaab ka taliso, iyagoo sannadkan lagu jiro ku dilay duqeyn saraakiil sar-sare oo Al-shabaab ka tirsan.

Ugu dambeyn, Sannadkii lasoo Dhaafay ayay Mareykanku Duqeyn ku dileen Amiirkii Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane iyadoo lala dilay laba Abaanduule oo kale, iyadoo ay Al-shabaab ku bedeleen hoggaamiye kale oo cusub.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee caawiya dowladda ayaa weli maamula ku haysa Deegaanno Badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hargeysa Online.