Gabdho Somali-Kenyan ah oo ku biirey ururka ISIS.
Posted by abdi on May 20 2015 06:32:18

Warbixin uu Maanta soo daabacay Wargayska Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegtay in labo gabdhood oo Soomaalida Kenya ah.


Extended News

Warbixin uu Maanta soo daabacay Wargayska Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegtay in labo gabdhood oo Soomaalida Kenya ah ay ku biireen kooxda Daacish,kaddibmarkii ay u safreen dalka Suuriya.

 

Labada gabdhood oo Magacyadooda lagu kala Sheegtay, Salwa C/lla iyo Tawfiiq Daahir ayaa la aaminsan yahay inay inay dalka Kenya ka baxeen Arbacadii lasoo dhaafay; iyagoo ehelladooda kala soo xiriiray dalka Suuriya, waxayna u sheegeen iay ku biireen ISIS oo ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Gabdhahan oo Saaxiibbo ahaa ayaa ku noolaa Xaafadda South C oo ka tirsan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya; Waxaana laga soo Xigtay Qof ay Ehel yihiin Tawfiiq Daahir ayaa sheegay inay kasoo wacday gabadhooda dalka Suuriya; kaddib markii ay ka gudubtay xaduudda dalka Turkiga.

Waaliddiinta gabdhahan Somali-Kenyanka ah ee ku biiray kooxda Daacish ayaa u sheegay Warbaahinta Kenya in Gabdhahooda ay ahaayeen kuwo akhlaaqdoodu Wanaagsanayd, isla markaana ku wanaagsan diinta.

Hooyada dhashay Tawfiiq Daahir oo daggan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa sheegtay in Gabadheeda ay si joogto ah ula soo Hadli jirtay jirtay si ay xaaladdeeda ula socoto; Laakiinse Toddobaadkan ay xiriirkeeda wayday, kaddib markii uu telfoonkeeda damay.

“Waxaan ku noolahay magaalada Mandheera, gabadheydu maalin walba way ila soo hadli jirtay, laakiin tan iyo Arbacadii hore ilama soo hadlin, Taleefoonkeeduna wuu Dansanaa,” ayay tiri Raxma Aadan oo ah hooyada dhashay Towfiiq Daahir.

Dhanka kale, Labadaan gabdhood ayaa la sheegay inay dhiganayeen Jaamacadda Nairobi, iyadoo la sheegay in Salwa Cabdalla ay ku jirtay sannadkii labaad ee Jaamacadda.

Ugu dambeyn, Gabdhahan ayaa la Sheegay in ay Maalintii Arbacada ahayd Iska Raaceen Jaamacadda ay dhiganayeen, lamana ogaan illaa ay kasoo hadleen dalka Suuriya, waxayna sheegeen inay ku biireen Al-shabaab.

Si kataba ha ahaatee, ma ahan gabadhihii ugu horreeyay oo ku biiray kooxda ISIS, iyadoo ay horay ugu biireen gabdho Soomaaliyeed oo kasoo dhoofay Yurub kuna biiray Kooxda Daacish.

Hargeysa Online