Guddoomiye Saleebaan Iyo Golihiisa Guurtida Oo Gaashaanka ku dhuftay Heshiiskii Saddexda Xisbi.
Posted by abdi on May 30 2015 22:52:44

Golaha Guurtida Somaliland oo fadhi saaka ku yeeshay Golahooda ayaa ka hadlay heshiiskii saddexda xisbi Qaran ay yeesheen.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)golaha Guurtida Somaliland oo fadhi saaka ku yeeshay Golahooda ayaa ka hadlay heshiiskii saddexda xisbi Qaran ay yeesheen,iyaga oo Gaashaanka ku dhuftay heshiiskaasi.

 

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa khudbad dheer u jeediyey golihiisa,isaga oo kula dardaarmay inay ku adkaystaan difaacaana go’aankii ay hore u gaadheen Golahaasi.

Guddomiyaha ayaa kula dardaarmay in aanay ka noqon go’aankaasi ,isaga oo ku tilmaamay mid dastuuriya ,waxaanu sheegay in loo baahan yahay in aan marna laga noqon go’aankaasi.

Ugu dambayna guddoomiye Saleebaan waxa uu kula dardaarmay xubnaha golahaasi Guurtida in aan la kala xadin ee ay ku adkaystaan go’aankoodii hore,loona baahan yahay in ninkii diiday iyo kii ogolaadayba ay tahay inuu sharcigaasi difaaco.

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in cidii go’aankaasi ka hortimaada lala tiigsan doono golaha Guurtida u yaala .

Arrintan ayaa u muuqata mid muujinaysa halka adag ee ay golaha Guurtidu ka istaageen heshiiskii burinaayey Go’aankii Guurtida ee muddo kordhinta oo ay isla gaadheen saddexda xisbi Qaran ee Somaliland.

Hargeysa Online